Maxaad kala socotaa khatarta Somalia uga imaan karta saldhiga Berbera?

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa sii kordhaaya walaaca laga qabo dhismaha Saldhiga cusub ee uu Imaaraadka carabta kawado magaalada Berbera ee maamulka Somaliland.

Qoraal kooban oo kasoo baxay Hay’adda QM ayaa waxaa lagu xaqiijiyay in dhismaha Saldhigaasi uu qalqal amni galinkaro Somalia, oo weli ku dhex jirta cunaqabateynta Hubka mamnuuca ah.

Khubaro ka tirsan Guddiga baarayaasha QM ee Cunaqabataynta Hubka ee saaran dalalka Somalia iyo Eritrea ayaa mar kale qoraalkooda ku cadeeyay inay suuragal tahay in Saldhiga Imaaraadka Carabta uu ka dhisaayo magaalada Berbera uu isku bedelo suuq lagu kala iibsado Hubka.

Waxaa lagu qiray qoraalka in xiliyada qaar Saldhigaasi uu caqabad ku noqonkaro amaanka iyo xasiloonida ka jirta Somalia, maadaama ay adkaan karto dabagal lagu sameeyo gaadiidka Badda oo ay leedahay Imaaraadka carabta ee u goosha Biyaha Somalia.

Khataraha ka dhalankara Saldhiga Imaaraadka Carabta ee Somalia ayaa waxaa la rumeysan yahay in looga gaashaamankaro keliya Guddiyo gaara oo loo xilsaaro la socodka Saldhiga iyo waxyaabaha kabaxa.

Sidoo kale, warbixinta ayaa ku dheeraatay dhaqdhaqaaqyada ay Imaaraadka Carabta ku dedejinayaan dhismaha Saldhiga Milliteri ee ay ka wadaan Dekedda magaaladda Berbera ee W/Galbeed ee Somalia.

Si kastaba ha ahaatee, QM ayaa aad uga walaacsan in dowlada Imaaraadka ay Somalia ka dhaqangaliso Suuqyo lagu kala iibsado Hubka noocyada kala duwan leh.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com