Xog kusoo korortay xiliga la qaadi doono dacwada badda Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo bilihii ugu danbeeyay uu socday muranka Badda Somalia ee u dhexeeyay dowladaha Somalia iyo Kenya ayaa waxaa hadana soo baxaaya in kiiska Dacwada la furi doono maalinta barri ah.

Dacwadaani ayaa la filayaa in maalinta bari ah kuna beegan 19-09-2016 ay ka furmi doonto magaalada Hague ee dalka Holland, iyadoo ay halkaasi isku diyaarin doonaan wafdi ka kala socda dowladaha Somalia iyo Kenya oo dacwada ay ka dhaxeyso.

Wargeysyada kasoo baxa dalka Kenya ayaa Saakay qoray in magaalada Hague ee dalka Holland, ay si hordhac ah u gaaren wafdi kasocday dowlada Kenya, iyadoo wafdiga DFS aysan wali u dhaqaaqin dalka ay dacwada ka furmeyso.

Magaalada Hague ee dalka Holland, ayaa waxaa sidoo kale gaaray Qareeno heer caalami ah iyo Suxufiyiin ka kala socda Telefeshinada caalamka si ay goobjoog uga noqdaan furitaanka dacwada Badda Somalia.

Mid kamid ah Saraakiisha ka howlgasha Maxkamad ICJ oo dacwadaasi ay ka furan tahay ayaa sheegay in Dacwada ay si rasmi ah u furmi doonto maalinta Beri ee Isniinta ah.

Waxa uu sheegay Sargaalkaasi in maalinta koowaad iyo maalinta labaad ay Maxkamadu dhageysan doonto muranka labada dal ee ku aadan Badda Somalia, halka maalmaha xiga ay ka gud gali doonto xal u helida Muranka.

Sidoo kale, Maxkamadda ICJ ayaa horay u sheegtay in bisha September ee sanadkaan ay bilaabaneyso qaadista dacwadda Somalia ay ka gudbisay Dowladda Kenya oo kusoo xadgudubtay qeyb ka mid ah Badda Soomaaliya.

Geesta kale, DFS ayaa dooneysa in xaga sharciga ay ku kala baxaan dhigeeda Kenya oo iyana dooneysa in wada xaajood lagu dhameeyo khilaafka dhinaca badda ee ka dhaxeeya labada Dal.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com