Xog: Xagee marayaan wada-hadallada Xaaf iyo Sheekh Shaakir uga socda Nairobi?

Nairobi (Caasimada Online) – Sida aan wararkeena hore ku sheegnay waxaa magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ku sugan Hogaamiyaha maamulka Galmudug Xaaf iyo Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo horjooge u ah Ahlusunna.

Xaaf iyo Shaakir, ayaa magaalada Nairobi u jooga wadahadal ay xal ugu raadinayaan Khilaafka ka dhexeeya ee caqabada ku ah isku imaanshiyaha labada dhinac.

Wadahadalka oo wajigiisa koowaad uu hadda socdo ayaa waxaa garwadeen ka ah xubno ka tirsan IGAD oo u yeeray Hogaamiyayaasha Galmudug iyo Ahlusunna.

Wadahadal hadda socda ayaa waxaa lagu wadaa in xal looga gaaro 3 arrin oo kala ah:

1-In si wada jira looga wada shaqeeyo isku imaatinka Galmudug iyo Ahlusunna, iyadoo laga shaqeynaayo masiirka shacabka Galmudug.

2-In si wada jira loo turxan bixiyo khaladaadka caqabada ku ah wadahadalada labada dhinac, si ay u dhacdo isku soo dhawaansho.

3-In la kordhiyo kulamada, iyadoo aan sababo uu ku baaqdo shirka loo sameyn karin, si loo daweeyo boogta.

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in kulanka koowaad ee weli socda ay labada mas’uul ku kala kaceen, balse laga shaqeeyay isku soo laabashadooda, si loo sii ambaqaado wadahadalka socda.

Qodobka ugu weyn ee wadahadalka ayaa ah sidii loo soo afjari lahaa Khilaafka u dhexeeya Galmudug iyo Ahlusunna iyo sidii Ahlusunna ay wax ugu yeelan laheyd baarlamaanka iyo Golaha Wasiirada ee maamulka Galmudug.

Dhinaca kale, IGAD ayaa wada qorshaha lagu Heshiisiinayo Galmudug iyo Ahlusunna, waxaana la sheegay in kulanka xiga oo ay yeelan doonaan Xaaf iyo Shaakir uu ka dhici doono magaalada Muqdisho bishaan dhamaadkeeda.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com