Xukuumada Kheyre oo faragalin ku heysa Magacaabida G/Degmooyinka G/Banaadir (Yaa kamid ah)

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed, ayaa ku guda jira isku shaandheyn uu ku sameynaayo Guddoomiyayaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha ayaa la sheegay in muddo laba jeer uu diyaariyay habka uu u maraayo isku shaandheynta, balse waxaa faragalin qaawan ku sameeyay Wasiiro ka tirsan Xukuumada Somalia.

Guddoomiyaha Gobolka ayaa waxaa safaf dhaadheer ugu jira Wasiiro doonaaya in Guddoomiyayaasha cusub ay ku yeeshan dhowr qof, waxa ayna taa dib u dhac ku keenay go’aanka uu Taabit ku magacaabi lahaa Guddoomiyayaasha cusub.

Wasiirada qaar ayaa Guddoomiyaha usoo bandhigay inaan xilalka laga qaadin dhowr Guddoomiye degmo oo ay wataan, halka qaarna ay hoosta uga dhiibeen warqado ay ku qoran yihiin shaqsiyaad lala doonaayo inay kamid noqdaan Guddoomiyayaasha cusub.

Ilaa lix Wasiir ayaa la sheegay inay caqabad ku yihiin isku shaandheynta iyo magacaabida Guddoomiyayaasha cusub kuwaa oo xili waliba hor tuban Xafiiska Guddoomiyaha Gobolka.

Wasiirada qaska ku haya qorshaha Guddoomiyaha Gobolka ayaa waxaa kamid ah Wasiirada Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Deeqa Yaasiin Xaaji oo iyadu dooneysa in laba haween ah loogu soo daro Guddoomiyayaasha cusub ee uu magacaabi doono Guddoomiyaha Gobolka.

Wasiiradaani ayaa kamid ah kuwa nasiinka u diiday Guddoomiyaha Gobolka waxa ayna culeys ku saareysaa in Guddoomiyayaasha cusub loogu daro laba Haween ah oo ay saaxiib dhow la tahay, kana mid ah Ururka Haweenka Qaranka.

Si kastaba ha ahaatee, Guddoomiyaha Gobolka ayaa si KMG ah u hakiyay Isku shaandheynta iyo magacaabida Guddoomiyayaasha Degmooyinka maadaama ay jiraan faragalin uu kala kulmaayo Wasiiro ka tirsan Xukuumada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com