Xukuumadda cusub ee la naawilayo: Mid tisqaada mise dhicis noqota ?

Muqdisho (Caasimada Online) – Tan iyo markii ay Xildhibaanadda BFS bishan March 1-dii Codka Kalsoonida siiyeen Ra’isul-wasaare Xasan Cali Kheyre waxaa la hadal-hayaa Nooca Xukuumadda ee la soo dhisayo, Tiradda iyo Tayadda Wasiiradda yeelan doonaan iyo haddii ay noqonayso Xukuumad Wadaag Qaran.

Xafiiska Ra’isul-wasaaraha ayaana mashquul noqday, waxaana la sheegay inay 300 Codsiyo Xilal-Wasiir dul dhooban yihiin Miiska Xoghaynta RW Kheyre.

Waa Imtixaan Siyaasadeed la soo wada eegyo, Indha-indheyn iyo Falaanqeyn badan ayaana lagu qiimeynayaa Xulashadda Golaha Wasiiradda iyo sida la isku waafijin karo Nidaamka Awood-qeybsiga Siyaasadeed.

Ma sahlana in maalmo kooban lagu soo bandhigo Liiska Xukuumadda Cusub, waxaana loo baahan yahay in doc kasta laga eego Saami-qeybsiga Golaha Wasiiradda iyo Tayada Murashixiinta Heerka Wasiir.

Guux-siyaasadeed ayaana durbadiiba bilawday, waxay Siyaasiyiinta, Odayaasha Dhaqanka iyo Maamul-gobaleedyadda galka kala baxeen Seefta, waxayna ka war dhowrayaan Magacaabista Xukuumadda.

In la marxabeeyo Xukuumadda Cusub ayaa rajo kooban leh, waxaana aad loo hadal-hayaa in 90% lagala hor imaan doono Looma Dhama Golaha Wasiiradda iyo Beelaha la soo mutuxan Xubnaha nala siiyey waa sed quursi leh, waana hab-dhaqan lagu soo waayo qaatay.

Marka si hoose aad ula sheekeysato Siyaasiyiinta geed-fadhiga u ah Beelaha, waxa uu mid kasta kuu sheegayaa in Xilka Wasiir ee ay ku qanacsan yihiin kuw Heerka 1-aad, taasi oo ay ula jeedaan Wasiiradda miisaanka Siyaasadeed leh, sida Arrimaha Gudaha, Dibedda, Difaaca, Amniga Qaranka, Maaliyadda iyo Qorsheynta Qaranka.

Dhamaan waxaa indhaha lagu hayaa Xilalkaasi, waxaana jira Beelo iyagu asteystay dhowr Wasiir oo muhiim ah iyo kuwo Hankooda ku kooban yahay Wasiir keliya aan ka helno Xukuumadd Cuusb.

Ilo ku dhowdhow Madaxtooyadda ayaa sheegayo in la dhisayo Xukuumad ilaa 25 Wasiir, oo ay ku sidkan yihiin Ku-xigeeno Wasiir iyo Wasiir-dowlayaal, wuxuuna RW Kheyre La-tashiyo la yeeshay Odayaasha Dhaqanka oo uu ka dalbaday inay u soo gudbiyaan Xubnaha uga mid noqdo Golaha Wasiiradda, oo aysan ka soo daba hadli karin.

Qaar ka mid ah Odayaashaa Dhaqanka ayaa iyagu ku celiyey RW Kheyre inuu isagu Beelahooda u soo magacaabo, taasi oo u muuqata Hal-xiraale Siyaasadeed.

Wasiiradda Qurba-jooga iyo kuwa Qaran-jooga ayaa waxa iyagana ka dhex taagan Loolan, waxayna Qurbo-joogta Codsiyada Khibradooda ku lifaaqayaan Nuqulka Aqoonsiga Muwaadinimo ee ay ka haystaan dalalka Reer Galbeedka.

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan in Xukuumadda Cusub miisaan xooggan ku yeelan doonaan Qurba-joogta, sida ay haatanba ugu xooggan yihiin Labada Aqal ee Barlamaanka Federalka.

Dhinaca kale, Gorgortan kale ayaa waxa uu feer socda Xilalka Wasiirnimo, waxaana aad loo hadal-hayaa Xilalka Taliyayaasha Ciiddamadda Qaranka, Maareeyayaal, Guddoomiyayaal Hay’addo, Bangiydda, Agaasimayaal Guud, Danjirayaal iyo Hay’adaha kale ee Dufanta iyo Miisaanka iyo magaca leh.

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan in RW Kheyre ku jahwareeri karo Talooyinka iyo Xulashadda Xukuumadiisa, iyadoo la dareemi karo inay RW mowjado badan ku faruuran yihiin, laguna cadaadin karo Wasiiro boosas loo raadinayo, kuwaasi oo ka madax bannaan Xulashadda Beelaha.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa isweydiin mudan Xilliga lagu dhawaaqi doono Xukuumadda Cusub iyo Fursadaha ay ku hanaqaadi karto ama ku dhicisin karto Xukuumadda cusub.

Xigasho: Idaacadda Dalsan