Xulka K/ Cagta Somalia oo loo magacaabay tababare ajnabi ah.

Tababaraha naadiga heerka koowaad ee dalka Uganda SC Victoria, Sam Ssimbwa ayaa loo magacaabay macallinka xulka Somalia ee ka qeyb galaya koobka Bariga iyo Bartamaha Africa ee Cecafa Tusker Challenge Cup.

Sida lagu qoray website-ka kooxdaas, Sam Ssimbwa ayaa qanadaraas laba toddobaad ah la galay Xiriirka kubadda cagta Somalia, si uu u leeliyo xulka inta uu socda Koobka oo billaabanaya dhammaadka toddobaadkan socon doonana illaa 8-da December.

“Waxaan ku faraxsanahay in kooxdeyda ay ii ogolaatay inaan helo fursaddan” ayuu yiri Ssimbwa, waxaana uu intaas ku daray “Waxa ay tani muujineysa sida ay kooxda u taageersan tahay kororka aqoonteeda”.

“Waa sharaf ii soo hoyatay inaan tababaro xul qaran markii ugu horeysay. Somalia waxaa laga yaabaa inaysan heysan fursad ay ku hanato koobka, laakiin waxa ay heysataa fursad ay ku muujiso kubbad wanaagsan”.

“Waxaa bartilmaameedkeegu uu yahay inaan gaarno sideed dambeedka (Quarter Final” ayuu sii raaciyay.

Xulka Somalia oo lagu naaneeso xiddiga badweynta (The Ocean Stars) ayaa ahaa kuwii ugu horeeyay ee gaaray dalka Uganda, oo uu koobka ka furmi doono, waxaana ay degan yihiin hotelka Namboole Sports Hotel ee magaalada Kampala.

Illaa iyo hadda ma cadda waxa loola jeedo tallaabada xiriirka uu qaaday, waayo waxaa horey xulka Somalia ula socda macalin Cabdi Farax Cali Geelle iyo kaaliyihiisa Cabdi Isak Maxamed.

Xulka Somalia ayaa waxa ay isku group yihiin dalalka Tanzania, Sudan iyo Burundi, waxaana kullanka ugu horeeya ay 25-ka bishan la cayaari doonaan Burundi.

Sidee ayay kula tahay aqriste in xulka Somalia loo magacaabo tababare ajnabi ah, mase is leedahay wax uusan keeni karin Macallin Gelle ayuu kusoo kordhin karaa. Ka dhiibo fikirkaaga.

W/Q: Axmed Cali Sheikh

Tifaftiraha Caasimada Online

www.facebook.com/alaxmed