Yaa ka dambeeya dib u dhaca doorashada Aqalka Sare ee Somaliland ?

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa dib u dhac weyn uu ku yimid doorashada xildhibaanada aqalka sare u matalaya deegaanada Somaliland.

Masuuliyiinta gudiga doorashada dadban ee Somaliland ayaa sheegaya in dib u dhaca uusan dhankooda ka imaan balse ay jiraan dad dano gaar ah ka leh arimahaasi.

Gen. Jaamac Maxamed Qaalib Guddoomiyaha guddiga qabanqaabada doorashooyinka aqalka sare ee beelaha waqooyi, ayaa sheegay in bil ka hor ay dhameeyeen dhamaan waxyaabaha laga doonayay.

“Annaga qabanqaabda waa noo dhamaatay, Bil ka hor baanu dhameynnay howsha in doorashadii la qabto ayuunbaa dhinneyd, waxaad moodda hay’ado kale oo guddiyada doorashada ah ayaa haysta ,agabkii vote-ka lagu geli lahaa iyo shaqaalihii vote-ka sameynayay”

“Waxaas oo dhan iyagaa haysta, annaga waa naga diyaar waan u gudbinnay, hadba maalin bay noo qabanayaan guddiyada doorashooyinku kadibna waxba ma soconayaan”.ayuu yiri gudoomiyaha.

Dhinaca kale wuxuu sheegay in la waddo liis kale oo xildhibaanada ah oo iyaga aysan soo diyaarin, balse la doonayo in lagu badalo dadka ay soo diyaariyeen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com