Yaa ka dambeeyay qorshihii fashilmay ee la horgeeyay Aqalka Sare? Maxaase laga baran karaa ?

Muqdisho, (Caasimadda Online): Xubnaha  Golaha Aqalka Sare ayaa maanta fashiliyey qorshaha Guddoomiye ku xigeenka 1aad Aqalka Sare ee uu ku doonaayey in jahwareer ku galiyo kalfadhiga labaad ee Golaha.

Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Aqalka Sare Mudane Abshir Bukhaari ayaa si wayn u abaabulaayey in Raisul Wasaare Khayre hor yimaado Xubnaha Aqalka Sare si wax looga waydiiyo arrinta Qalbi Dhagax, balse dood dheer oo dhex martay Xubnaha  Aqalka Sare waxaa la isla qiray in haatan baahi wayn aan loo qabin in xubnuha ay fara galiyaan arrin ay gacanta ku hayaan Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Aqlabiyadda Golaha Aqalka Sare ayaa cuskaday Qodobka 71aad ee dastuurka oo muujinaaya hawlaha ugu muhiimsan ee laga rabay ay tahay in la dadajiyo dib u eegsita dastuurka, ansixinta sharciyada horyaalla, iyo dib u habaynta xiriirka dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada, maadama Xildhibaanada Aqalka Sare ay matalaan dowladda Goboleedyada laga soo doortay.

Xildhibaanada Aqalka Sare ee kasoo jeeda Koonfur Galbeed, Hirshabeelle, Puntland, ayaa isku raacsan in dib u eegista dastuurka ee haatan socota aan laga dhinac furin arrimo siyaaasadeed oo aan wax tar wayn u lahayn shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Xildhibaannada Jubbaland ayaa iyagu qaba aragtidaan, balse waxa ay doonaayaan in dib u eegid lagu sameeyo go’aanka dowladda ee ku aaddan Jabhadda ONLF.

Maamulka Galmudug oo ah halka ay kasoo bilbaatay arrinta Qalbi Dhagax ayaa Senatoorada kasoo jeeda waxay si wayn u doorbidaayaan in dib u eegid lagu sameeyo, lana saxo xiriirka u dhexaaya Dowladda Faderaalka iyo Dowladda Goboleedyada si looga fogaado jahwareer siyaasadeed oo soo wajaha dalka sidii khilaafkii ka dhashay arrimaha Khaliija ee qaar ka mid ah Maamul Goboleedyadu ay soo saareen go’aan khilaafsan kii dowladda.

Inta badan xildhibaannadu waxay qabaan in aysan galin arrimaha khilaafku uu ka taaganyaahy iyo isjiid jiidka dhinacyada ku loolama siyaasadda maadama Aqalka Sare loo asaasay ka odayeynta khilaafaadka iyo xasiloonida siyaasadeed ee dalka.

Waa tallaabadii koowaad ee ay qaar kamid ah Guddoonka Aqalka Sare ay doonayeen in ay damacooda siyaasadeed uga faa’iideystaan balse Xubnaha Golaha Sare ayaa cod aqlabiyad ah ku diiday jilaafadii lala doonayay Xukuumadda uu hoggaamiye Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.