Yaa kamid ah Wasiirada maanta hortagaaya Xildhibaanada baarlamaanka Somalia

Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaanada baarlamaanka Somalia ayaa lagu wadaa in maanta ay kulan ku yeeshan Xarunta Golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho.

Xildhibaanada ayaa waxaa hor imaanaya Seddex Wasiir oo ka mid ah Wasiirada Xukuumada Ra’isul wasaare Xasan Cali Khayre oo iyagu wax laga weydiin doono shaqooyinkooda.

Wasiirada maanta hor tagaya Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa wax laga weydiin doonaa Hindise Sharciyeedyo ay Wasaaradahooda usoo gudbiyeen Xildhibaanada Golaha Shacabka Somalia.

Wasiirada maanta Xildhibaanada hortagaya ayaa waxaa ka mid ah Wasiirada Caafimaadka, Cadaaladda, iyo Warfaafinta.

Sharciyada loo gudbiyay Golaha Shacabka waxaa ka mida Xeerka Saxaafadda Soomaaliya oo Dib u habeyn lagu sameeyay haddana horyaalla Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Sidoo kale, Wasiirada Wasaarada Cadaaladda iyo Caafimaadka Xukuumada Somalia ayaa iyaguna Xildhibaanada ka hor jeedin doono Hindise Sharciyeedka la dagaalanka Musuq Maasuqa iyo kan Caafimaadka.

Dhinaca kale, Xildhibaanada ugu badan ee baarlamaanka ayaa lasoo warinayaa inay ka maqan yihiin dalka tan iyo markii ay galeen fasaxa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com