YAA LAGU LEGDAY SHIRKII NAIROBI?

Shir fool ka fool ah oo in muddo ah la sugayay inuu dhexmaro madaxda dowladaha Soomaaliya iyo Kenya, waa mid aynu haatan si wadajir ah u dhihi karno “wuu qabsoomay”, balse lagu kala aragti duwan yahay natiijadii ka soo baxday shirkaasi.

Madaxda dowladaha Soomaaliya iyo Kenya waxay kulmeen jimce December 21, 2012, si ay isula meel dhigaan arrimo ay dad badan filayeen in meel sare laga gelin doono ajendaha shirka, si weyn-na loo qaadaa dhigi doono.

Balse sida ka muuqata 9 qodob oo lagu soo bandhigay war murtiyeedkii ka soo baxay shirka, si weyn loogama hadlin qodobo ay si weyn Soomaalidu u sugayeen, kuwaasoo ka mid ah amar ay dowladda Kenya ku siisay Soomaalida bilaa sharciga ah ee ku nool goboladeeda inay dib ugu laabtaan xeryaha qaxootiga iyo dhisidda maamul goboleedka Jubbaland oo aan daah saarneyn inuu ahaa halkii uu ka bilowday mugdiga ku dhex jira labada dowladood.

Qaraxyo is xig xigay ayaa todobaadyadii ugu dambeeyay ka dhacayay xaafadda Islii ee Soomaalidu u badan tahay ee magaalada Niarobi, kuwaasoo khasaaro nafeed iyo mid hantiyeedba gaarsiiyay Soomaalida iyo Kenyaatiga.

Inkastoo aan jirin cid Soomaalida ka tirsan oo sheegatay qaraxyadaasi, haddana dowladda Kenya waxay farta ku godaysaa Soomaalida, sidaasi darteedna ay ugu amartay inay ka baxaan magaalada Nairobi, ayna iska xaadiriyaan xeryaha qaxootiga.

Soomaalida deggan magaalada Nairobi waxay u badan yihiin kuwo aan sharci lahayn, oo qoysaskoodu ay ku biilaan halkaasi, iyo kuwo xoogsato ah oo siyaabo kala duwan noloshooda u soo saarta.

Badi Soomaalidaasi waxay u arkeen in dowladdoodu ay u soo gurmatay kana filayeen war murtiyeedka in uu ka dhex muuqdo qodob si rasmi ah u quseeya Soomaalida Nairobi deggan iyo xasilooni darrida ka dhacda gudaha Kenya, si Kenya ay u dabcido mowqifka ka saarista Soomaalida magaalada Nairobi iyo gobolada kale ee Kenya.

Arrinta kale ee dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ay isku hayeen waxay ahayd habka dhisidda maamul goboleedka Jubbaland, oo loo arko Kenya inay si weyn dabada uga riixeyso.

Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka federaalka iyo odayaal ka soo jeeda gobollada Jubbooyinka kuwaasoo kula siman dowladda mucaaradidda habka loo dhisayo maamulka Jubbaland ayaa horey ugu eedeeyay Kenya inay kala qeybineyso ummadda ku dhaqan goboladaasi isla markaana ay beel gaar ah garabsiineyso, sida ay hadalkooda u dhigeen.

Inkastoo Kenya ay iska fogeysay eedeeymahaasi, haddana xubnaha ka tirsan baarlamaanka iyo odayaasha ka soo jeeda goboladaasi ee Muqdisho ka soo qeyliyay waxay ugu baaqeen Kenya inay ciidamadeeda deg deg ugala baxdo Soomaaliya.

Qodobadaasi oo muhiim ahaa waxay dad badan u arkaan in madaxda dowladda ay ka il duufeen amma la duufsiiyay.

Heshiis mase Amar?

Qodobadaasi la hareer maray bedelkood waxaa war murtiyeedka ka muuqda qodobo aad isweydiin kartid “ma heshiis baa mase waa amar” {?}.

Qodobka 7aad ee war murtiyeedka shirkii Nairobi waxa uu u qornaa sida tan 7.{Commended the role of the Inter-Governmental Authority on Development (IGAD) in the Grand Stabilization Plan for South Central Somalia and other liberated areas and stressed the need to support this process which has been endorsed by the IGAD Heads of State and Government, the African Union and the UN Security Council.}

Macnaha qodobkan marka la qaadaa dhigo waxa uu tilmaamayaa in aad loo soo dhoweeyay doorka Urur-goboleedka IGAD ee qorshaha xasilinta Bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya iyo deegaanadii dhowaan la xoreeyay, waxaana lagu nuux nuuxsaday sida loogu baahan yahay in la taageero qorshahaasi ay ansixiyeen madaxda gobolka, Midowga Afrika iyo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Inkastoo heshiis lagu tilmaamayo qodobkan, haddana waxa uu u muuqdaa mid si dadban ugu amrayo dowladda Soomaaliya uguna adkeynayo inay arrimaha nabadgelyada uga dambeyso dowladaha IGAD islamarkaana aysan soo faragashan sida IGAD ay wax u waddo.

Haddii sida loo fasiray ay tahayna, waxa uu qodobkaasi xad u yeelayaa awoodda dowladda federaalka oo ku hanweyneyd in wax kastaa oo Soomaaliya quseeya iyada looga dambeeyo, taasoo dad badan oo siyaasiyiin iyo indheergarad ahi ku tilmaameen inaan waqtigeedii la gaarin.

Isku soo wada duuboo shirkii Nairobi ku dhexmaray madaxda dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ee ay kala hoggaaminayeen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa Kenya Moi Kibaki, waxa uu ahaa shir lagu legdamay oo dhulkana lagu dhigay dowladda Soomaaliya.

W/Q: Cabdulqaadir Nuunow

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay u gaar tahay qoraaga ku saxiixan