Yaab cusub: Dhageyso Xasan oo qirtay inuusan dalka hoggaamin karin

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda federaalka Xasan Sheekh Maxamuud oo la hadlay koox dhallinyara ah ayaa qirtay inaysan haynin qorshe ay kusii wadi karaan hogaaminta dalka, isaga oo qiray inaysan lahayn karti iyo aqoon dowladeed oo ay u leeyihiin nidaamka dowliga ah.

Madaxweyne Xasan ayaa cadeeyey in ay isku cabsadeen  oo ay u cadaatay in caqligooda uusan ku filnayn, islamarkaana aysan jirin aqoon gaar ah oo ay u leeyihiin dowladnimada, isaga oo ka dalbaday koox dhalinyara ah oo uu la jogga inay ka caawiyaan sidii ay u sixi lahaayeen dowladnimada oo ay tahay in talo muhiim ah siiyaan.

Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in xitaa haddii talooyin wax ku ool ah la siiyo ay weli sii cabsanayaan oo ay jirto welwel ay qabaan oo ah in ay wax ka xumaadaan, wuxuuna caddeeyay in ay isu baqayaan oo guddiyada la sameeyey xitaa aysan ku filnayn oo wax ay u qaban karaan aysan jirin.

Hadalkaan raja beelka ah ayaa muujinaya qirasho ah in madaxweynaha aanu dalka hoggaamin karin, waxaana ay kusoo beegmaysa xilli dhawaan ay doorasho ay ka dhacayso bisha November 30 keeda dalka Soomaaliya.

[su_audio url=”http://caasimadda.net/wp-content/uploads/2016/09/110320_003.mp3″]

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com