Yaab: Xisbiga Kulmiye oo codadka doorashada ku darsaday dad dhintay

Hargeysa (Caasimada Online)-Guddoomiyaha xisbiga mucaraadka ee Wadani C/raxmaan Maxamed Cirro kana mid ahaa Musharaxiinta Madaxweyne, ayaa shaaca ka qaaday in si ku tallo gal ah loogu shubtay codadka Doorashada.

Waxa uu Cirro sheegay in lagu xadgudbay codadka qaar, islamarkaana la musuqmaasuqay doorashadii Somaliland ee la qabtay 13kii bishan november 2017.

Cirro waxa uu ku dhawaaqay in aysan aqbali doonin natiijada doorashadii madaxtinimada, waxa uuna cadeeyay in mudadii ay soctay Doorashada ay diiwaan galiyeen 1200 dhacdo oo khalad ku ahaa hanaanka doorashada.

Waxa uu tilmaamay in si cod la’aan loo dhigo Xisbiga Wadani la xirxiray qaar ka mid ah mas’uuliyiinta iyo taageerayaasha xisbigiisa ka hor inta aysan codeyn.

Waxyaabaha la yaabka leh ee uu sheegay C/raxmaan Cirro ayaa waxaa kamid ah in magacyadii lagu codeeyay ay ku jireen kuwo goor hore dhintay.

”Waxaan qirayaa in musuqa dhacay uu kamid ahaa inay codeeyeen dad goor hore dhintay oo lamasabitay si loogu guuleysto codadkooda”

”Kulmiye waxaan weydineynaa musuqa heerkaasi la’eg ka xisbi ahaan ma aqbali doono doorashada lagu shubtay ee looga beensheegtay xitaa kuwa bari hore la xabaalay”

Sidoo kale, Cirro ayaa sheegay in doorashada ay tahay mid ku-xeeran madmadow farabadan, taasoo dhalisay buu yiri musuq-maasuq iyo ku shubasho baahsan oo ka dhacday dhamaan meelihi ay ka dhacday doorashada Somaliland.

Haddalka Cirro ayaa kusoo beegmaaya xili Musharaxa UCID Feysal Cali Waraabe uu isna ka hor imaaday natiijada kasoo baxday doorashada, waxa uuna ku goodiyay dagaal ka dhan ah Xisbiga Kulmiye waa haddii la shaaciyo natiijo musuq ku dhisan.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com