Yahuuda oo amarkii ugu yaabka badnaa kusoo rogay muslimiinta ku tukada masjidka Al-AQSA

Qudus (Caasimada Online) – Amar ka soo abxay Dowaldda Israil ee xoogga ku haysta magaalada Qudus ayaa lagu sheegay in magaalada qadiimka (old city) ah ee uu ku yaalo Masjidka barakaysan ee al-Aqsa aysan u soo dhawaan karin Muslimiinta da’doodu ka yartahay 50 sano.

Jimcadii hore ayaa saddex nin oo hubeysan ku dileen banaanka hore ee Masjidka laba ka tirsan ciidanka Israil, kahor inta aan iyagana lgu duilin barxadda masjidka.

Maalinkasta oo Jimcae ah waxaa masjidka u soo cibaado tegi jirey dad ku dhaw 10 000 oo qof oo ka kala imaan jirey meelo ka baxsan magaalada Qudus ee yuhuudu haysato.

Bayaan ka soo baxay Boolisla Israil ayaa lagu sheegay in magaalada qadiimka ah iyo Masjidka Aqsa ay imaan karaan ragga da’doodu ka weyn tahay 50 sano, dumarka ayaa lagu sheegay bayaanka in ay imaan karaan da’ kasta oo ay yihiin.

Horey ayaa amar kan lamid ah Israil uga soo saartey cidda ku tukan karta Masjidka, mararkaas ayaa da’da loo oggol yahay marna ku sheegeen 35 marna 40.

Waxaa laga cabsanayaa in ay dhacaan mudaaharaado waaweyn oo rabshado wata, Yuhuuda ayaa keentay magaalada Qudus ciidamo Boolis ah oo dheeraad ah oo gaara 3 000 oo askeri.

Dadka Muslimiinta ah ayaa ka cabsi qaba in Yuhuudu xalaaleysato masjidka al-Aqsa oo dhabarkiisa ay ku leeyihiin derbiga ay barakaystaan, isla amrkaana ay sheegtaan in masjidku ka tirsan yahay muqadasaadkooda.

Masjidka al-Aqsa ayaa ah kan saddexaad ee Masaajida barakaysan, waxaana uu ahaa halka Muslimiinta qiblada u ahayd ka hor inta aan Makka loo wareejin.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com