Yey maslaxad gaara ugu jirtaa dalabka maamullada ee dib dhigista hindise hharciyeedyada?

Muqdisho (Caasimada Online)-Sida aan wararkeena hore ku sheegnay qoraal ka soo baxay Golaha Iskaashiga Maamul Goboleedyada ka jira dalka ayaa waxaa lagu dalbaday in la hakiyo dhamaanba ansixinta Hindise Sharciyeedyada xukuumaddu ay horgeysay baarlamaanka.

Hogaamiyayaasha ka tirsan Golaha Iskaashiga ayaa dalabkooda ku ku sheegay in wadatashi laga sameeyo Hindise Sharciyeedyada ka hor inta aysan u gudbin Golaha Shacabka Baarlamaanka Somalia.

Dalabka Golaha is magacaabay ee Iskaashiga Maamulada ayaa durba lagu qiimeeyay mid lagu doonaayo in indhaha lagu tirro rajada ay Somalia ka leedahay Horumar iyo Xasilooni.

Qorshaha dalabka ayaa ah in maamulada loo madaxbaneeyo inay ka hor imaankaraan dhammaan waxyaabaha caqabada ku ah ee u gudbaaya Golaha Shacabka sida Hindise sharciyeedyada la dagaalanka argagaxisada iyo xakameynta hubka wax dila ee shalay u gudbay BFS.

Qorshaha dhabta ah ee laga leeyahay dalabka Golaha Is magacaabay ayaa ah inaan la ansixin xakameynta hubka wax dila oo inta badan usoo dega maamulada isla markaana u iibgeeya suuqyada ku yaalla deegaanada ay ka arimiyaan.

Dalabka ay Hogaamiyayaasha ku doonayaan inay ku cuuryaamiyaan Hindise sharciyeedyada u gudbaaya Baarlamaanka ayaa sidoo kale maslaxad gaara ugu jira Sida dowladaha Imaaraadka, Ethiopia iyo Sacuudiga oo Somalia u iibkeena Hubka Sharci darada ah.

Waxa uu shaki galinayaa Dalabkan inuu yahay mid xaqiiq ah oo ku aadan rabitaankooda, balse waxaa muuqaneysa inuu yahay qorsho ay wataan dowladaha aan kor kusoo xusnay ee iyagu Hubka u ganacsi keena Somalia.

Hogaamiyayaasha maamul Goboleedyada ee ka jira dalka ayaa gabi ahaan tooda ku hadla afka dowladaha Shisheeye, iyadoo maslaxada dalka laga doorbidaayo Burbur iyo Hormar la’aan lagu bedeshay dhaqaale kooban.

Inkastoo uu soo dib dhacay dalabka Hogaamiyayaasha Golaha Iskaashiga ee is magacaabay ayaa waxaa hadana suuragal ah in dalabkaasi ay rumeeyan Xildhibaanada qaar sababo la xiriira Danta Qaranka oo laga hormariyay mid gaar ahaaneyd.

Si kastaba ha ahaatee, warqada ay ku qorneyd dalabka fajaca galiyay dadka qaar ayaa waxaa ku saxiixnaa Guddoomiyaha Golaha is magacaabay ahna Hogaamiyaha maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com