Yuusuf Garaad oo warbixin ka qoray shirkii xasaasiga ee Washington

Muqdisho (Caasimada Online)-Iyadoo ay sii kordhayaan shirarka ay dowlada Somalia uga qeybgaleyso dalka dibadiisa, ayaa waxaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia Yuusuf Garaad uu shir uga qeybgalay magaalada Washington.

Shirka ayaa dhex maray Wasiirada Arrimaha Dibadda Afrika iyo Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka.

Wasiir Yuusuf Garaad ayaa qoraal uu ka diyaariyay kulanka uu ka qeyb galay, waxa uu ku soo qoray Bloggiisa gaarka ah oo had iyo jeer ku soo qoro safarada iyo kulamada uu ka qeyb galo.

AFRIKA IYO USA AYAA MAANTA KA SHIRAY ISKAASHI

Maanta waxaan Soomaaliya ku metelay shir ka dhacay Washington oo magaciisu yahay Shirka heer Wasiir ee Ganacsiga, Ammaanka iyo Dowlad Wanaagga.

Waxaa looga hadlay ganacsiga dalalka Afrika dhexdooda ah iyo kan ay la leeyihiin ama ay la lahaan karaan Mareykanka.  Waxaa laga hadlay caqabadaha hor taagan horumarka ganacsiga siiba xudduudaha qafilan, musuqmaasuqa iyo tayada wax soo saarka warshadaha qaarkood oo heer tartan geli karta aan taagneyn.

Waxaa la eegayay kororka tirsada dadka qaaradda iyo horumarka uu dhaqaaluhu sameyn karo 2020, 2050 iyo weliba ka sii dib.

Waxaa laga hadlay la dagaallanka argagixisada.

Waxaa kale oo la soo qaaday sida ay dhallinyaradu uga qeyb qaadan karaan siyaasadda iyo howlaha kale ee dalkooda ka socda.  Arrintaas marka aan ka hadlay, tusaaleyaasha aan soo qaatay waxaa ka mid ahaa sida ay dhallinyarada Soomaaliyeed isu abaabushay iyo kaalinta ay ka qaateen gurmadkii billowday 14-kii Oktoobar.

Marka aan soo qaaday gurmadkaas, waxaan u mahadceliyay dhammaan dalalkii noo soo gurmaday oo ay ugu dambeysay Rwanda.

Ujeeddada shirka waxaa lagu soo koobi karaa in la horumariyo Ganacsiga iyo maalgashiga, la dhiirri geliyo Dowlad wanaagga lagana hortago argaggixsada.

Waxaa ka qeyb galay soddomeeyo Wasiir Arrimo Dibadeed oo Afrikaan ah, waxaana na casuumay Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Rex Tillerson oo isaguna goob joog ahaa.

Shirku wuxuu ka dhacay xafiiska Arrimaha Dibadda ee Mareykanka.