Indha Cadde oo xil muhiim ah raadinaya iyo Sheekh Shariif oo ku caawinaya

Muqdisho (Caasimadda Online) – Gen. Yuusuf Maxamed Siyaad Indha Cadde ayaa wado ololihii ugu dambeeyey oo uu ku raadinayo xil muhiim ah oo ka tirsan dowladda Soomaaliya isagoo garab weyn ka helayo siyaasiyiin badan oo magac ku leh Soomaaliya.

Yuusuf Indha Cadde oo horey xilal kala duwan uga soo qabtay Maxaakiimtii iyo dowladihii soo maray Soomaaliya ayaa doonayo in  laga dhigo Taliyaha Ciidamada Militariga Soomaaliya maadaama dhawaan la filayo in dhawaan lagu sameeyo isbadal dhammaan taliyayaasha ciidamada.

Indha Cadde ayaa garab weyn iyo taageero ka heysto madaxwyenihii hore ee Soomaaliya Shiikh Shariif Sh. Axmed oo ay saaxiibo ahaayeen, wuxuuna Shariif doonayaa sidii uu Indhacadde u noqon lahaa Taliyaha ciidamada Militariga.

Sidoo kale waxaa jiro Siyaasiyiin badan oo dadaal ugu jiro sidii ay Yuusuf Indha uga caawin lahaayeen in la siiyo xilkaas oo ay doonayaan shaqsiyaad aad u badan, lamana saadaalin karo cidda sida rasmiga ah loogu magacaabi doono.

Indha Cadde ayaa xilliyadii ugu dambeeyey aan ka dhex muuqaan dowladda Soomaaliya maadaama uusan helin wax xil ah lama sheegi sababta ka dambeyso inuu markaan usoo xirxirto sidii uu u noqon lahaa taliyaha Ciidamada Militariga Soomaaliyeed.

Waxaa la filayaa in isbadal lagu sameeyo dhamaan taliyayaasha Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyadoo la fiirinayo hab qeybsiga beelaha Soomaaliya, waxaana la sheegay inay arrintaas dhici doonto marka la ansixiyo xukuumadda cusub ee uu ku dhawaaqay Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Wixii warar ah ee arrintaan kusoo kordha waan idinla socodsiin doonaa Inshaa Allah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com