Zimbabwe oo weli ka war dhowraysa mustaqbalka Mugabe

Dadweynaha reer Zimbabwe ayaa ka wardhowraya tallaabda xigta eee ay qaadi doonaan milatarirga la wareegay awoodda dalkaasi.

Madaxweyne Mugabe ayaa ku jira xabsi-guri, balse xaaskiisa Grace Mugabe oo dooneysay inay ninkeeda xilka kala wareegto ayaan la ogayn halk ay ku sugan tahay.

Wasiiro ka tirsan dowladda Koonfur Afrika ayaa ku sugan caasimadda Harare iyagoo kulan la leh mas’uuliyiinm ka tirsan ciidammada iyo axsaabta siyaasadda.

Hogmaamiyayaasha urur gobaleedka ay ku mideysan yihiin dalalka Koonfurta Afrika ee SADC ayaa kulan deg deg ah leh maanta oo Khamiis ah.

Qaar badan oo ka mid ah dadka reer Zimbabwe ee ku sugan caasimada Haraare ayaa aqbalay in hogaamiyaha kali ah ee ay yaqiineen tan iyo xoriyaddii xafiiska laga qaado.

Qaar badan oo ka mid ah dadkii ay isku dhawaayeen ayaa isaga dheeraaday xaaskiisa Grace, oo loo arko in ay ahayd qofkii horseeday in militariga ay soo faragaliyaan xaaladda.

Halka ay ku sugan tahay Grace ayaan hadda la ogayn, hasa yeeshee waxaa xabsiga la dhigay dhowr ka tirsan golaha wasiirrada dalkaasi.

Ururka midowga Afrika ayaa sheegay in militariga ay u xaqiijiyeen in tallaabadooda ay tahay mid kumeel gaar ah islamarkana aysan ahayn afgambi.

Gudoomiyaha midowga Africa, Moussa Faki Mahamat oo ku sugan Washington ayaa sheegay in ururka ay ka so horjeedaan isbadal waliba oo aan dastuurka waafaqsanayn oo lagu samaynayo dowlad.

Madaxa midowga Africa Alpha Conde ayaa dhankiisa sheegay in waxa ka dhacay Zimbabwe uu u muuqdo afgambi, wuxuuna ku baaqay in sida ugu dhaqsaha badan dib loogu soo celiyo amar iyo kala dambeyn ku dhisan dastuurka.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobe, Antonio Guterres, ayaa dhankiisa ugu baaqay dhammaan dhinacyada Zimbabwe in ay is xakameyaan.

Militariga Zimbabwe waxay beeniyeen in tallaabadda ay qaadeen ay tahay afgambi militari.

Wakiilo ka socda urur goboleedka wadamada Koonfurta Africa ee SADC ayaa garay Haraare si ay gacan uga gaystaan dhaxdhaxaadinta.