100 Shabaab ah oo xabsiga laga sii daayay (Yaa ka dambeeyey?)

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno magaalooyin ku yaala Puntland ayaa sheegaya in Puntland ay xabsiga kasii deysay ku dhawaad 100 dagaalyahano Alshabaab ah oo u xirnaa.

Ciidamada Puntland ayaa dhalinyarada xabsiga laga sii daayay ku qabtay dagaaladii Puntland iyo Al-shabaab bishii Maarso ku dhex maray deegaanada dhanka xeebta ee Puntland.

Generaal Cali Nuur Cali oo ah taliyaha ciidamada asluubta iyo xabsiyada Puntland ayaa ku dhawaaqay in xabsiga laga sii daayay dhamaan maxaabiistaasi ka tirsan Alshabaab.

Dadka xabsiyada Puntland laga sii daayay ayaa ku kala xirnaa magaalooyinka Garowe, Qardho, Boosaaso iyo Gaalkacyo.

General Cali Nuur wuxuu sheegay in maxaabiistaan laga kala siidaayay xabsiyada ku kala yaala magaalooyin waaweyn ee Puntland, sida Gaalkacyo oo laga siidaayay 13, Garowe 24, Qardho 29 maxbuus iyo Bosaso oo laga siidaayay 31 maxaabiis ah.

Xabsiyada Puntland ayaa waxaa wali ku jira maxaabiis kale oo Al-shabaabnimo loo qabtay.

Caasimada Online
Xafiiska Mudug
Caasimada@live.com