115 xildhibaan oo saxiixday mooshin ka dhan ah ra’iisul wasaare Cabdi Weli

Muqdisho (Caasimada Online) – Tan iyo markii uu soo shaac baxay khilaafka Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, ayaa waxaa Magaalada Muqdisho ku soo laabtay toboneeyo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya, iyadoo kuwo kalana la hadalhaayo in maalmaha ina soo aadan, ay ku soo fool lee yihiin Caasimada.

115 ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya, ayaa waxay saxiixday mooshin ka dhan ah Ra’iisal Wasaare C/weli Sheekh Axmed Maxamed, waxaana xusid mudan in Xildhibaanadu ay isa soo tarayaan, iyadoona ay intaa ka badan karto tirada mooshinka ka gudbineysa.

Mudane-yaasha Baarlamaanka, ayaa waxay goobo ka mid ah Magaalada Muqdisho ku karkarinayaan mooshinka ka dhanka ah Xukuumada, isla-markaana waxaa la filayaa in waqti dhow ay u gacangeliyaan Guddoonka Sare ee Baarlamaanka.

Xildhibaanada Baarlamaanka ee xilligaan Magaalada Muqdisho ku sugan, ayaa waxaa tiradoodu lagu sheegay in ka badan 200 oo Xildhibaano, iyagoona siyaabooyin kala gedisan ula safanaaya Madaxda Dowladda.

Waxaa jira Saraakiil ka kala tirsan Xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha oo suuqa ugu jira, sidii ay u soo jiidan lahaayeen Xildhibaanada, waxaana loo arkaa kuwo ku wanaagsan soo xero gelinta Mudane-yaasha Baarlamaanka.

Mid ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka oo codsaday inaan magaciisa Warbaahinta loo adeegsan, ayaa sheegay in si dardar leh uu Magaalada Muqdisho kaga soconaayo, olalaha lagu doonaayo in kursiga looga tuuro C/weli Sheekh Axmed Maxamed.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa la sheegay inuu kalsooni ka helay Beesha Caalamka, markii uu ka dhaadhiciyay in isbedel loo baahan yahay, haddii kalana aynaan Somaliya gaari doonin hiigsiga sanadka 2016-ka.

Kolka laga soo taggo Xildhibaanada mooshinka ka diyaarineysa Ra’iisal Wasaaraha, ayaa waxaa dhinaca kale jira Xildhibaano kale oo kalsooni u muujinaysa Ra’iisal Wasaaraha, inkastoo aynaan Madaxtooyadu wax walaac ah ka qabin.

Haddii garabka Madaxweynuhu uu ku guuleysto in Baarlamaanka uu kalsoonida kala laabto Xukuumada C/weli, ayaa waxa uu Madaxweynuhu soo magacaabi doonaa Ra’iisal Wasaarihii saddexaad, kaasoo markaan la sheegay in uu noqon doono shakhsi ku dhow Madaxweynaha.

Warar madax banaan, ayaa waxay sheegayaan in Madaxweynuhu uu u diyaarsan yahay shakhsigii uu u soo magacaabi lahaa Wasiirka 1-aad ee Xukuumada cusub, si ay Dowladda Federalka u wada daadaheeyaan, mudada 22-ka bilood ee u harsan.

Si kastaba ha-ahaatee Xafiiska Madaxweynaha, ayaa waxaa la rumeysan yahay in uu xagga siyaasada kaga fir fircoon yahay Xafiiska Wasiirka 1-aad ee Xukuumada iminka jirta.

Isha: dhacdo