2,000 oo askar Ugandees ah oo ka baxay Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamo gaaraya 2,000 oo askari, oo u dhashay Dalka Uganda, ayaa ka baxay Soomaaliya waxaana ay dib ugu laabteen dalkooda, sida ay shaaciyeen saraakiisha Uganda ee Soomaaliya.

Ciidamadan oo ka kala socday qeybta ilaalada xafiisyada Qaramada Midoobey ee Soomaaliya iyo guutada 25-aad ee ciidanka Uganda ee Soomaaliya, ayaa dib ugu laabtay dalkooda kaddib markii ay dhameysteen howlihii ay u joogeen Soomaaliya.

Askartan ayaa waxaa ay kala ahayeen 529 Askari  oo ka mid ahaa Ciidamada Qaramada Midoobey, iyo 1406 Askari oo ka mid ahaa guutada 25-aad ee ciidanka Uganda ayaa gaaray dalkooda.

Taliyaha guud ee Ciidanka Uganda David Muhoozioo ciidamadaas la hadlayay ayaa waxaa uu sheegay in Soomaaliya oo nabad noqota ay la mid tahay Afrika oo nabad noqota.

Generaal Muhoozi ayaa sheegay in Soomaaliya ay la mid tahay dalalka Afrika,waxa ku dhacayna ay dalkasta oo ka mid ah Afrika ku dhici karaan.

“Hadda waxaan tirakoobeynaa guulaha laga gaaray Soomaaliya ee ay horseedka ka yihiin adinka, ciidankii idiinka horreeyay iyo kuwa hadda ku jira” ayuu yiri Generaal Muhoozi.

Ciidamada gaaraya 2000 kun ee Askari ayaa la siiyay fasax shan iyo afartan cesho ah oo ay la soo qaadanayaan reerahooda.

Dowladda Uganda ayaa dhowr todobaad ka hor ciidankii beddelilahaa Ciidamadaas waxaa ay u soo dirtay Soomaaliya, qeyb waxaa loo daabulay Gobolka Shabeellaha hoose halka qeybta kalena ay la waregeen xafiisyada Qaramada Midoobey ee Soomaaliya oo ay waardiye ka yihiin.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
caasimada@live.com