3 caqabad oo hor taagan madaxweynaha loo dooran doono Koonfur Galbeed

Baydhabo (Caasimadda Online) – 17 Bisha October ayaa la filayaa inay Magaalada Baydhabo ka dhacdo Doorashada Maamulka Koonfur Galbeed, waxaana xilkaas u taagan ilaa 9 Musharax oo ay ku jirto hal haween ah.

Haddaba waxaa jirto seddex caqabad oo hor taagan madaxeynaha cusub ee loo dooran doono maamulkaas

Amniga iyo Al-Shabaab :

Inta badan deegaanada Maamulka Koonfur Galbeed waxaa gacanta ku hayo Kooxda Al-Shabaab, waxayna taas keentay taas inan si nabadgalayo loo isticmaalin deegaanada Maamulkaas.

Waxaa xiran inta badan jidadka soo galo deegaanada Maamulkaas maadaama ay halkaas ku sugan yihiin Al-Shabaab.

Sidoo kale deegaanadaas waxaa dhaco falal amni oo ay geysteen Kooxdaan sidaas darteed madaxweynaha cusub ee Koonfur Galbeed waxaa hor yeelo inuu arrintaan wax ka qabto isla markaasna uu deegaanadaas ka saaro kooxdan.

Dadka falanqeeyo Siyaasadda ayaa aaminsan in Mukhtaar Roobow uu yahay Musharaxa kaliya ee qodobkaan xalin karo, maadaama uu kala yaqaan kooxdaan isla markaasna uu garanayo qaabka loola dagaalami karo.

Maamul Dowladeed:

Deegaanada Koonfur Galbeed kama jiro wax maamul dowladeed, waxaana inta badan gacanta ku hayo Kooxda Al-Shabaab.

Deegaanada ay Koonfur Galbeed gacanta ku heyso kama jiro wax maamul Dowladeed ah, sidaas darteed culeyska ugu badan uu madaxweynaha cusub wajihi doono waa inuu deegaanadaas kusoo rogo maamul Dowladeed.

Xiriirka Dowladda Soomaaliya:

Ma jiro Xiriir wanaagsan oo hadda ka dhaxeeyo Koonfur Galbeed iyo dowladda dhexe, sidaas darteed madaxweynaha cusub ee loo dooran doono Koonfur Galbeed waxaa hor yaalo inuu arrintaan go’aan ka qaato isla markaasna uu xiriir fiican la yeesho dowladda dhexe si maamul Koonfur Galbeed u noqdo mid u shaqeeyo shacabka deegaanadaas

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com