3 sabab oo weerarkii Hotel Saxafi uu uga duwan yahay weeraradii kale ee hoteellada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Inkastoo sanadihii ugu dambeeyay ay Magaalada Muqdisho ku soo badanayeen weerarada ka dhanka ah Hoteelada, ayaa wuxuu hadana weerarkii Saxafi Hotel uu ahaa mid ka duwan weeraradii horey loogu beegsan jiray goobaha la seexdo.

Weerarkan, ayaa wuxuu dhacay 5:40 daqiiqo xilliga saacadda Magaalada Muqdisho, waana waqti aan looga baran in la weeraro Hoteelada Xarunta Somaliya ku yaala, marka aad milicsato weeraradii dhacay tan iyo sanadkii 2013-ka.

Dadka degan Caasimadda oo qaarkood hurday xilligii uu qaraxu dhacaayay, ayaa waxay kuu sheegayaan in ay hurdada kaga baraarugeen daryankii xooganaa ee uu watay, gaari loo adeegsaday ismiidaamin oo ku bilowday weerarkaasi.

Suxufiyiinta Magaalada Muqdisho, ayaa soo sheegaaya in dadka qaarkii oo diyaargarow ugu jiray inay u amba baxaan goobahooda shaqo iyo waxbarasho, in ay la kulmeen xirista wadada halbowlaha ah ee Isgoyska KM4. Isgoyska KM4 waxa uu lafdhabar u yahay isu socodka dadka iyo gaadiidka ee Magaalada Muqdisho.

Ciidamada Booliska, Nabad Suggida, Alpha Group iyo Militariga Somaliya, ayaa waxay wadadaasi u xireen, si looga hortaggo inay gurmad hellaan amaba ay baxsadaan dembiilayaashii weeraray Dhismaha Saxafi Hotel, oo kaabiga ku haaya Isgoyska KM4.

Sidoo kale wuxuu weerarkan uu kaga duwanaa weeraradii hore, iyadoo loo qabtay hal nin oo ajnabi ah, kaasoo ka mid ahaa dableydii Shabaabka ahayd, ee weerarka qorsheysan ku gashay Hotelka Saxafi.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Somaliya, C/risaaq Cumar Maxamed, ayaa sheegay ninkaasi in uu ka mid yahay muhaajiriinta ka barbar dagaalamaysa Ururka Al Shabaab, waxaana loo maleynayaa in dalka Kenya uu u dhashay. Ninkan oo faah faahin badan laga hayn waxa dhabta ah ee uu yahay, ayaa gacanta lagu dhigay isagoo dhaawac qaba.

Waxaa kaloo xusid mudan in weerarkan lagu dilay Milkiilihii Saxafi Hotel, C/rashiid Shire Ilqeyte, oo xubin muhiim ah ka ahaa rugta ganacsiga Somaliyeed. Ilqeyte ayaa bishii September ee sanadkii 2013-ka loo doortay in uu noqdo Gudoomiyaha rugta ganacsiga Somaliyeed.

Axadii waxay ahayd maalin aad u adag oo soo martay Somaliya, waayo waxay ku weyday Allaha u naxariistee Abaan Duulihii Hore Ciidanka Xoogga Dalka, General C/kariin Yuusuf Aadan (Dhega-badan).

General Dhega-badan waxa uu horey kaga badbaaday shirqoolo ay Shabaabku soo maleygeen, maadaama uu ahaa ninkii ka eryay Magaalada Muqdisho, dhammaadkii sanadkii 2011-ka, xilligii oo uu ahaa Abaan Duuliyaha Ciidanka Xoogga, Dowladdii Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com