4 arrin oo Shariif Xasan uu dayacay lagana rabo inuu saxo madaxweynaha xiga

Dhawaan waxaa la filayaa inay Magaalada Baydhabo ee Xarunta kumeel gaarka ah ee Maamulka Koonfur Galbeed ay ka dhacdo Doorasho Xasaasi ah oo dhex mari doonto 7 Musharax iyo madaxweynaha hadda talada hayo ee Shariif Xasan Shiikh Aadan.

Dadweynaha kasoo jeedo deegaanada uu ka taliyo maamulka Koonfur Galbeed ayaa rabo inuu isbadal ka dhaco maamulkaas isla markaasna xilkaas loo magacaabo shakhsi cusub si wax looga qabto afartaan qodob ee hoos ku qoran:

1) Xiriirka Dowladda:

Maamulka Koonfur Galbeed wuxuu kamid yahay maamulada ka jiro Soomaaliya wuxuuna sharci ahaan hoos tagaa dowladda dhexe Soomaaliya.

Madaxweyne Shariif Xasan Shiikh Aadan oo talada maamulkaas hayey muddo 4 sano ah ayaa lagu eedeeyaa inuusan qaban wixii ay ka filayeen dadweynaha ku nool deegaanada uu maamulkiisa ka taliyo.

Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaan xiriir fiican la laheyn dowladda dhexe oo ah halka ay Beesha Caalamka soo marsiiso deeqaha iyo lacagaha, waxayna aheyd inuu Shariif Xasan deeqahaas iyo lacagahaas wax ugu qabto isla markasna uu kasoo qaado dowladda dhexe halkii uu ka hor imaan lahaa Dowladda Dhexe.

Shariif Xasan ayaa lagu tiriyaa inuu yahay siyaasi qiyaano badan isla markaasna xogga saaro halka dantiisa ku jirto meeshii ay aheyd inuu fiiriyo danta dadka ku nool deegaanada uu maamulkiisa ka taliyo.

Shariif Xasan ayaa Soomaaliya looga bixiyey naaneys caan ah oo loo yaqaan “Sakiin” taasoo loola jeedo qiyaanadiisa badan ee dhanka siyaasadda ah.

Shariif Xasan ayaa la aaminsan yahay inuu yahay masdaxkii ka dambeysay inay maamul Goboleedyada sameystaan isbaheysi ay ku mideysan yihiin.

Sidaas darteed Koonfur Galbeed waxay u baahan tahay madaxweyne wax ka badalo arrintaan xiriir fiicanna la yeesho Dowladda Dhexe!!!

2) Amaanka

Marka laga reebo Magaalada Baydhabo ee Xarunta maamulka inta kale deegaanada uu ka arrimiyo maamulka Koonfur Galbeed kama jiro ammaan iskaba daaye intooda badan waxaa gacanta ku hayo Ururka Al-Shabaab.

Deegaanada Koonfur Galbeed ayaa noqday meel gabaad iyo hoy u ah Argagixisada Al-Shabaab sidoo kalana waxaa lagu tiriyaa inay halkaas ku sugan yihiin Shabaabka ugu badan.

Intii uu Shariif Xasan ka shaqeyn laha amniga iyo in gacanta maamulka lagu soo celiyo deegaanada Al-Shabaab heystaan wuxuu ku mashquulsan yahay dagaal siyaasadeed oo uu kula jiro dowladdii kala shaqeyn laheyd arrintaas.

Sidaas darteed Koonfur Galbeed waxay u baahan tahay madaxweyne cusub oo arrintaan wax ka badalo Koonfur Galbeedna ka dhigo meel amni ah oo ka maran Al-Shabaab!

3) Isku keenidda bulshada

Weli si fiican loogama shaqeyn in la isku keeno Bulshada kala duwan iyo Beelaha ku nool deegaanada Koonfur Galbeed mana loo qaban dib u heshiisiin intii uu Shariif Xasan ahaa madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Taas badlakeeda Shariif Xasan wuxuu ku mashquulsan yahay sidii uu u caburin lahaa Beelaha dago deegaanada si aan loogu soo dhawaan kursigiisa.

Shariif Xasan ayaa xarig iyo handadaad isugu daro cid kasta oo aan ku qanacsaneyn maamulkiisa ku dhisan dantiisa wuxuu sidoo kale kaliya la kulmaa cidda rabto inuu kursiga sii hayo.

Sidaas darteed Koonfur Galbeed Maanta waxay u baahan tahay madaxweyne isku heysan karo dhammaan bulshada kala duwan ee Koonfur Galbeed!

4)  Abaar iyo Gaajo:

Deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya waa meelaha ugu badan oo ay sida weyn u saameyso abaarta iyo gaajada iyadoo la ogyahay inay Koonfur Galbeed kamid tahay deegaanada ugu nimcada badan haddii ay ahaan laheyd xoolo iyo abuuritaan.

Intii uu Shariif Xasan ka shaqeyn lahaa sidii dadka deegaanada Koonfur Galbeed loogu abuuro lahaa shaqooyin iyo beer feelid  sidoo kalana loogu diyaarin lahaa xoolahooda olole biyo oo ay ku noolaan lahaayeen sanooyin badan wuxuu habeen kasta ku hoydaa wadan cusub, intiisa badana wuxuu dagan yahay Muqdisho.

Sidaas darteed Koonfur Galbeed waxay u baahan tahay madaxweyne la jiifto beeraleyda iyo xoolaleyda si loo hormariyo deegaanada Koonfur Galbeed!

Waxaa diyaariyey (Cabaas Cali Xasan)
Email: filimside@gmail.com.

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid