9-ka koox ee hor-taagan nabadda Soomaaliya (Waa tuma kooxda saddexaad?)

Halkan ka aqriso qeybihii hore ee qormadan.

Al-Shabaab

Tan iyo sanadkii 2006, kooxda seef la boodka ah ee Alshabab waxay dhibaatooyin aan la qiyaasi karin u geysteen, nabadda, dib-u dhiska dowladnimada, xoriyadda iyo sharafta dhuleed ee Soomaaliya. Alshabab ayaa u dhaqanta si bahalnimo, naxariis darro iyo jaahilnimo ku dheehan. Waxay caadaysteen inay dilaan cid kasta oo aan aaminsaneyn fikirkooda xagjirnimada ah isla markaana ay abuuraan jawi dalka ka dhigaayo meel aan la maamuli karin.  Hab-dhaqanka iyo fikirka xagjirka ah ee ay Alshabab qaadatay, waxay keentay in dalka ay soo galaan ciidamo faran badan oo ajnabi ah, hay’ado sirdoon ah iyo shirkado calooshood u shaqeysteyaal ah, taasoo dhaawacday xoriyaddii iyo madaxbanaanidii dalka.  Haddaba, iyadoo qofkasta oo soomaali ah uu ogsoon yahay dhibaatada ay Alshabab u keentay dalka, waxaan ku soo koobi karnaa dhibaatadooda:

  1. Amni darro joogto ah: waxay xilli kasta ku mashquulsan yihiin sidii ay u abuuri lahayeen dhibaato amni oo aan si fudud looga soo kabsan karin. Waxay abuureen jawi keenaya inaan si fudud loogu guuleysan soo celinta amigii iyo kala dambeyntii luntay. Waxay u sahleen cidkasta oo rabta inay abuurto qas iyo jahawareer amni, in ay isticmaasho magaca Alshabab dhibaato weyna u geysato nafta iyo hantida dadka.
  2. Dhaawac siyaasadeed: markasta oo Alshabab geystato dhibaato amni, waxay dhaawac weyn ku tahay dowladnimo iyo nabad ka hana qaadda Soomaaliya. Arrintaan ayaa noqota marmarsiiyo ay faragelin kaga timaaddo dalal aan dooneyn Soomaaliya in ay ka dhalato dowlad awood u leh hanashada maamulka dalkeeda, soona celin karta sharaftii luntay ee dadka Soomaaliya.
  3. Burbur dhaqaale: qaraxyada iyo weerada ismiidaaminta ah ee ay kooxdan seef la boodka fuliyaan, ayaa sababa burbur xoog leh oo soo gaara hantida qaranka iyo midda dadka shacabka oo laga yaabo inaaney lahayn awood ay kaga kabtaan ama dib ugu yagleelaan. Waxaa wax laga naxo ah in khasaaraha dhaqaale ee ay keenaan dadka naftooda halliga ay dhacaan iyadoo aysan jirin cid isweydiisa iyo cid mas’uuliyadooda qaadata . Waxay noqotay arrin caadi ah in dadka dhiiggooda iyo hantitoodaba ay Alshabaab iyo kuwa ay isku hadafka yihiin baneystaan.
  4. Dhimashada: weerarada bahalnimada iyo cadaawadda ku dhisan ee ay geeystaan kooxaha isqarxiya ayaa markasta galaafta nafta dad shacab ah oo aan waxba galabsan. Tusaale, waxaa loo soo qaadan karaa dhacdadii murugada iyo xanuunka badneyn ee 14 Oktoober, 2017, ee ka dhacday isgoyska Soobbe ee magaalada Muqdisho iyo kuwa kaloo badan oo  lagu xasuuqay dad rayid ah oo aan waxba galabsan.
  5. Dhaawac maskaxeed/nafsi ah: qaraxyada iyo dilalka arxan darada ah ee ay geeystaan kooxaha xagjirka ayaa waxay sababaan dhaawacyo jireed iyo kuwo maskaxeed ama nafsi oo saameyn joogta ku yeeshay nolosha boqollaal kun oo qof. Waxaa nasiib darra ah inaan cidina ka war qabin dhaawacyada maskaxeed ee ay reebaan qaraxyada,weerarada is-miidaaminta iyo qaarajinta isugu jira. Waxay dhaawacyada maskaxeed keenaan in waxba laga qaban waayo dad badan oo ay nolosha ka quustaan. Dhaawacyada maskaxeed ayaa waxay inta badan soo gaaraan dadkii goob joogga ka ahaa markii xasuuqa la geystay iyo ehelada dadkii la xasuuqay. Dadka qaba dhaawacyada maskaxeed ama nafsiga ah ee la il-daran naxdinta, welwel joogta ah, isla hadal/isku-buuq, quusta iyo rajo xumadda ayaa ku soo badanaya dalka gaar ahaan dhulka amni xumadu daashatay.
  6. Dhaqan burburin: kooxda Alshabab waxay keentay in aaanan waxba la ixtiraamin oo cidkasta dhiigeeda, maalkeeda iyo sharafkeeda la baneysto. Dhaqanka soomaaliyeed ee suuban wuxuu dhowraa waxa loo yiqaano “Bir-mageydo” oo ah in dilka lagala xishoodo dadka nugulka ah (caruurta, haweenka, waayeelks IWM) iyo dadka xurmadleyda ah sida culimadda diinta, oday-dhaqameedyada, gabyaaga, aqoon yahanka, dadka samafalka ka shaqeeya IWM. waxay  keeneen inaan waxba laga xishoon cidna aan la badbaadin. Arrintaan waxay naafeysay hab-dhaqankii bulshada, iyadoo sii fogeeyeysay xallinta dhibaatooyinkii dhacay.
  7. Dowlad la’aan: Falsafadda iyo aragtida siyaasadeed ee kooxdaan ayaa ah inay kala gooyaan xiriirka ka dhexeeya dowladda iyo shacabka. Waxay qasab ka dhigaan inaan qofna ka hadli karin waxa ka socda deegaanka uu ku nool yahay ee ku mashquulo naftiisa iyo sida uu ku badbaadi karo keliya. Ma jirto meel aduunka ka mid ah oo qofku si sharaf leh ugu noolaan karo dowlad la’aan iyo xorriyad la’aan. Kooxahaan seef la boodka ah waxay dadka ku qasbayaan inaan go’aan iyo talo lagu yeelan dadka madaxda u noqonayo, sida ay kuu maamulayaan iyo sida aad ula xisaabtami lahayd. Waxay dadkii ku abuureen cabsi iyo argagax xad-dhaaf ah taasoo ku kalliftay inaan qofna iyaga waxba ka sheegi karin waxna u sheegi karin.
  8. Cibaado yaraan: Kooxahan xagjirka ah, waxay bartimaameedsanadaan cid walba uu ay u arkaan inaaney ku feker ahayn. Xoogdaani waxay dad ka ugaartaan masaajidyada ilaahay lagu caabudo. Maadaama gobihii ilaahay lagu caabudaayey lagu baxsan waayey, dad badan ayaa naftooda uga baqay inay cibaadada Alle ku gudaan masaajidyada. Waxay natiijada arrintaani noqotay in dadka masaajidyada ku cibaadeysanaya ay yaraadaan ama ay hub masaajidka la soo dhex galaan.  Waxaa wax lala yaabo in dadka dhibaatadaan abuuray ay sheeganayaan inay arrimo diineed ka shaqaynayaan.
  9. Cunaqabateyn iyo Barakac: maadamaa dalka ay inta badan soo wajacdo masiibooyinka sida abaaro iyo daadad, waxaa badata baahida ay dadka iyo deegaanada dhibaatadu ka habsatay ay qabaan taageero meel kale laga keenay. Alshabab oo inta ay haysato khatar amni oo ka imaaney xooggaga la dagaalamaaya ayaa waxay qaataan talaabo kasta oo keenaysa inaan dadka baahan wax caawimo la gaarsiin Karin. Arrintaan ayaa waxay keentaa barakac iyo qaxootimo. Tusaale waxaa loo soo qaadan karaa abaartii dhacday sanadkii 2011, xilligaas oo dad badan oo ku noolaa gobolada koonfureed ay u barakaceen xeryaha qaxootiga ee dhinaca Kenya iyo Ethiopia ku yaalo….la soco qeybta xigta oo ku saabsan qaswadeyaal iyo danleey, insha allah.

W/Q: Dr Cabdullaahi Maxamed Xersi (Qorax). Dr. Qorax, waa aqoonyahan ku takhasusay cilmiga nabadda iyo xalinta khilaafyada haystana shahaada PhD da. Wuxuu ku noolyahay magaaladda Nairobi, dalka KenyaEmail: abdullahi.qorah@gmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Ku soo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid