25.3 C
Mogadishu
Monday, May 25, 2026

Odayaasha HAWIYE oo shir deg deg ah yeeshay iyo go’aan laga soo saaray xuquuqda G/Banaadir

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho ee caasimada Dalka ka dhacay shir ballaaran oo ay isugu imaaden Isimada iyo Odayaal dhaqameedka ka soo jeeda Gobolka Banaadir.

Shirka ayaa waxa uu ahaa mid looga soo horjeeday qodobadii ka soo baxay shirkii Madasha wadatashiga Qaran ee lagu soo gaba gabeeyay Magaalada Muqdisho, waxa ayna Odayaashu sheegen in qodobadaasi aysan aqbalin.

Shirka ayaa waxaa ku dhamaa Odayaasha dhaqanka oo sheegay in marnaba aysan aqbali doonin in xuquuq la siiyo Gobolada dalka, islamarkaana la duudsado kan shacabka ku nool Gobolka Banaadir.

Odayaasha shirka ka hadlay ayaa waxaa kamid ahaa Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo yiri ”Adeer anagu taas nooma cuntamin. waayo Gobolka Banaadir waxaa ku nool 3 Million oo shacab ah oo gabi ahaantooda ka cabanaaya xaqiraada lagu hayo xuquuqdooda”

Xaad waxa uu sheegay in qorshaha looga tagaayo Gobolka Banaadir ee xuquuqda lagu siinaayo Gobolada kale aan u cuntameynin dadka dega Gobolka, waxa uuna DFS ugu baaqay in dib ay ula laabtaan qorshahaasi.

Sidoo kale, waxaa shirka ka hadlay Imaam Maxamud Yuusuf oo ka mid ah Imaamyada Soomaaliyeed ee ku nool Gobolka Banaadir, waxa uuna DFS ku eedeeyay inay u kala eexaneyso dadkeeda, isaga oo Madaxweyne Xasan, Sharmaarke iyo Jawaari ugu baaqay inay la imaadan wax lagu wada qanco ama ay dib ula laabtaan dibin-daabooyinka ay Gobolka Banaadir u maleegayaan.

Waxa uu sidoo kale, Imaamka fariin u diray Ajaanibta ku nool dalka waxaana uu hoosta ka xariiqay in la aqbaleynin in Shacabka Muqdisho la duusiiyo xuquuqdii ay dalka ku lahaayeen.

Dhanka kale, Shirkaani Odayaasha Beelaha Hawiye ayaa imaanaya iyadoo maalmahaani danbe ay Seddexda mas’uul ee ugu sareysa dalka ku howlanaayen hagaajinta wadooyinka loo mari lahaa hanaanka doorasho ee dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News