Boosaaso (Caasimada Online) – Duqeyn diyaaradeed ayaa ka dhacday degmada Qandala ee gobolka Bari oo dhawaan kooxda Daacish ay la wareegtay.
Duqeynta ayaa waxaa la sheegay iney badneyd waxaana ay ku dhacday deegaano badan oo ku yaala degmada Qandala ee gobolka Bari.
Lama oga duqeynta cidda geysatay mana jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka maamulka Puntland.
Duqeynta ayaa kusoo aaday maalmo kadib markii inka badan 60 askari oo Daacish ay qabsadeen degmadaasi walow markii dambe ay isaga baxeen.
Xaalada degmada ayaa ah mid kacsan waxaana jirta cabsi xoogan oo soo wajahday dadka ku nool degmadaasi oo maalmahaan ka baqayay in lagu dul dagaalamo.
La soco waxii kusoo kordhaa Insha allah
Caasimada Online
Xafiiska Boosaaso
[email protected]

