Muqdisho (Caasimada Online) — Dowladda Soomaaliya ayaa Axaddii si kulul u cambaareysay weeraradii aargoosiga ahaa ee Iiraan ay ku qaadday dalalka Khaliijka, hase yeeshee waxay bayaan rasmi ah oo ay soo saartay si bareer ah uga reebtay dalka Isutagga Imaaraadka Carabta.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa war-saxaafadeedkeeda ku xaqiijisay inay si buuxda u garab taagan tahay dalalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Qatar, Kuweyt, Urdun, Baxreyn, iyo Cumaan. Soomaaliya ayaa sheegtay inay dalalkaas ku taageersan tahay tallaabooyinka sharciga ah ee ay u qaadayaan difaacidda madax-bannaanidooda iyo ilaalinta shucuubtooda.
Bayaankan oo ku qornaa luqadda Carabiga ayaa weeraradii ugu dambeeyay ee Iiraan ay la beegsatay waddamadan Carbeed ee walaalaha ah ku sifeeyay xadgudubyo waaweyn oo qaawan oo ka dhan ah madax-bannaanida dalalkaas. Soomaaliya ayaa hoosta ka xarriiqday inay si buuxda ula garab taagan tahay midnimo dalalkan, ayna taageersan tahay xaqa ay u leeyihiin is-difaacidda iyo dhowrista wadajirka dhulkooda.
Dhanka kale, dowladda Imaaraadka Carabta ayaa maanta ku dhawaaqday inay xirtay safaaradeedii magaalada Tehran, isla markaana ay gabi ahaanba kala soo baxday safiirkeedii u fadhiyay Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan iyo dhammaan xubnihii howlgalka diblomaasiyadeed.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Imaaraadka oo qoraal soo dhigtay barteeda xiriirka bulshada ee X ayaa xustay in tallaabadani ay tahay jawaab toos ah oo ka dhalatay gantaalladii qaawanaa ee Iiraan ay ku garaacday ciidda Imaaraadka.
Xiisadda Soomaaliya iyo Imaaraadka
Ka-reebitaanka dalka Imaaraadka ee bayaanka taageerada ee dowladda Soomaaliya ayaa salka ku haya xiriirka diblomaasiyadeed iyo midka amni ee Muqdisho iyo Abu Dhabi oo gaaray heerkii ugu xumaa.
Sida ay qabaan falanqeeyayaasha arrimaha gobolka, Soomaaliya ayaa horraantii sanadkan baabi’isay heshiisyadii iskaashiga difaaca, amniga iyo maamulka dekedaha ee ay la lahayd Imaaraadka, iyadoo ku eedeysay inay dhaawacayso madax-bannaanideeda iyo jiritaankeeda siyaasadeed.
Cilaaqaadka labada dhinac ayaa kasii daray kadib markii dowladda Israa’iil ay gobolka Somaliland u aqoonsatay qaran madax-bannaan, taasi oo la rumeysan yahay in ay ka shaqeysay Abu Dhabi.
Dhacdadaas wixii ka dambeeyay, Soomaaliya waxay ka baxday dhammaan heshiisyadii ay la gashay Imaaraadka, oo ay ku jiraan heshiisyadii waaweynaa ee lagu wareejinayay maamulka dekedaha Berbera iyo Boosaaso, kuwaas oo aan weli si dhab ah loo dhaqan-gelin.
Bishii Janaayo ee sanadkan 2026, Soomaaliya ayaa si rasmi ah u burisay heshiisyadaas kadib ficilo ay u aragtay xadgudubyo culus oo ka dhan ah madax-bannaanideeda, wadajirkeeda dhuleed, iyo midnimadeeda qaran.
Go’aankan ayaa dhashay kaddib markii lagu eedeeyay in xukuumadda Abu Dhabi ay fududeysay tallaabadii Israa’iil ay ku aqoonsatay gobolka gooni-u-goosadka ah ee Somaliland, taas oo Muqdisho ay u aragto meel-ka-dhac toos ah oo lagu sameeyay midnimada Soomaaliya.
Intaas waxaa dheer, Soomaaliya ayaa sidoo kale Imaaraadka ku eedeysay inuu qaaday tallaabooyin cadaawad xambaarsan oo wax u dhimaya xasiloonida dalka Yemen, taas oo ay ka mid tahay inuu oggolaansho la’aan hawada Soomaaliya u adeegsaday daabulidda hoggaamiye ka tirsan kooxaha gooni-u-goosadka Yemen.

