Aabe Aweys: Askarigii dilay wiilkayga wuxuu ku dhex jiraa Villa Somalia+ Video

Muqdisho (Caasimada Online) – Aabaha Dhalay wiil Bajaajle ahaa oo lagu dilay degmada Waaberi ee gobolka Banaadir ayaa muddo kadib shaaciyay inaan wali waxba looga qaban askarigii wiilkiisa ku dilay degmada Waaberi.

Aweys Maxamed Diinle oo ah aabaha dhalay wiilka dhalinyarada ah ee lagu dilay xaafadda Buundooyinka ee degmada Waaberi ayaa wareysi uu siiyey Dalsan TV ku sheegay in askarigii dilay wiilkiisa uu ku dhex jiro madaxtooyada Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayuu ka dalbaday in askariga ka dambeeyay dilka wiilkiisa ee ku dhex jira madaxtooyada Soomaaliya in laga soo saaro, islamarkaana loo marsiiyo Cadaaladda.

Sidoo kale wuxuu sheegay in xitaa madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha aysan tacsi la wadaagin qoyska wiilka uu ka dhintay, waxaana uu cadeeyay in hadda askariga uu ku dhex jiro madaxtooyada oo cadaalad ay ka sugayeen.

“Waxaa la yiri askarigii dilay wiilkeyga madaxtooyada ayuu joogaa, madaxweyne Farmaajo waxaan ka codsanaa in la ii toogto askariga dilka geystay, madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha xitaa wali iigama tacsiyeynin dilka wiilkayga, habeen kastaa kama hurdo waan ku riyoodaa” ayuu yiri aabaha dhalay wiilka.

“DHaqaalo ma heysano, mootada deyn ayaan kusoo qaadanay, deyntii anigoo iska dhiibin ayaa la dilay wiilkayga, mootadana waa jajabtay, wiilkayga Markii Farmaajo la doortay mootada ayuu korkeeda ka dabaal dagay, haddana Alle ha u naxariisto xitaa nama dhihin”ayuu hadalkiisa kusoo daray.

Hoos ka daawo Muuqaalka

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com