Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Aadan Xasan Maxamed (Lafta-gareen), oo ay walaalo yihiin Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Soomaaliya, ayaa markii ugu horreysay ka hadlay xiisadda siyaasadeed ee u dhexeysa walaalkiis iyo dowladda dhexe, taas oo isku bedashay gacan ka hadal.
Aadan Lafta-gareen oo ah Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka ayaa maanta warbaahinta kula hadlay afaafka hore ee xarunta Baarlamaanka, waxaana wax laga weydiiyay xaaladda siyaasadeed iyo amni ee ka taagan Koonfur Galbeed.
Xildhibaanka ayaa walaalkiis Cabdicasiis Lafta-gareen ka difaacay eedeymaha la xiriira Al-Shabaabnimada ee loo jeediyay, kaddib weerarradii uu kusoo qaaday magaalada Baydhaba, oo ah xarunta KMG aha ee Koonfur Galbeed.
“Ninkii walaalkey Al-Shabaab ku tilmaamay, isaga ayaa laga rabaa inuu caddeyn keeno,” ayuu yiri Xildhibaan Aadan Lafta-gareen.
Sidoo kale, waxaa su’aal laga weydiiyay sida uu u arko hoggaanka cusub ee Koonfur Galbeed iyo haddii uu ku qanacsan yahay isbeddelkii ka dhacay magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay.
“Horta qanaca aniga ma aha, shacabka Koonfur Galbeed ayaa laga rabaa inay jawaabta bixiyaan. Aniga xildhibaan ayaan ahay, go’aankaygana meel ma jiro,” ayuu sii raaciyay.
Koonfur Galbeed ayaa xilligan wajahaysa xaalad siyaasadeed iyo mid amni oo xasaasi ah, iyada oo dhinacyada ku loollamaya hoggaanka maamulka ay isu diyaarinayaan iska horimaadyo horleh xilli aan weli xal rasmi ah laga gaarin khilaafka ka dhashay tallaabooyinkii ay horay u qaaday Dowladda Federaalka.
Xaaladdan ayaa sidoo kale sii kordhisay walaaca laga qabo in khilaafka uu saameyn ku yeesho amniga iyo xasilloonida deegaannada Koonfur Galbeed.

