Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, Aadan Madoobe ayaa soo gaba-gabeeyay kulamo uu la yeeshay saraakiisha ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Daraawiishta Koonfur Galbeed, isagoo amray in la bilaabo howl-gallo ka dhan ah ciidamada taabacsan Cabdicasiis Lafta-gareen iyo maleeshiyaadka Al-Shabaab.
Howl-gallada ayaa lagu sheegay inay qeyb ka yihiin qorshe lagu sugayo amniga magaalada iyo nawaaxigeeda, iyadoo ciidamada loo diyaarinayo inay ka hortagaan weerarro iyo falal amni-darro ah oo ka dhaca gudaha Baydhabo iyo deegaanada ku xeeran.
Kulamadii uu Aadan Madoobe la yeeshay saraakiisha amniga ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray xaaladda amni ee magaalada, iyo qorshayaasha lagu xoojinayo difaaca Baydhabo iyo waddooyinka muhiimka ah ee ku hareeraysan.
Aadan Madoobe ayaa horey Dowladda Federaalka uga dalbaday ciidamo dheeraad ah oo ka qeyb qaata sugidda amniga Baydhabo, iyadoo shalay magaalada laga dejiyay ciidamo cusub oo qeyb ka noqonaya qorshaha amni ee la diyaariyay.
Sida ay ogaatay Caasimada Online, Aadan Madoobe ayaa ciidamada federaalka iyo kuwa Koonfur Galbeed oo intooda badan ka yimid ciidankii badbaadada Koonfur Galbeed faray inay fariisimo cusub ka sameystaan duleedka magaalada.
Ciidamada ayaa loo diyaarinayaa howl-gallo lagu beegsanayo goobaha iyo saldhigyada laga soo abaabulo weerarrada lagu bartilmaameedsanayo magaalada Baydhabo, iyadoo xoogga la saarayo xoojinta difaaca magaalada iyo sugidda waddooyinka muhiimka ah.
Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay fulisay ballamo ay horey ula gashay Aadan Madoobe oo ku saabsanaa taageerada farsamo iyo amni ee lagu xoojinayo ammaanka Baydhabo.
Qorshahan ayaa sidoo kale qeyb ka ah dadaallada lagula dagaallamayo Al-Shabaab iyo ciidamada daacadda u ah hoggaamiyihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Lafta-gareen, iyadoo xaaladda siyaasadeed iyo amni ee maamulka ay weli tahay mid xasaasi ah.
Si kastaba, Aadan Madoobe ayaa tan iyo markii uu dib ugu laabtay Baydhabo kulamo kala duwan la yeeshay saraakiisha ciidamada, isagoo kala hadlay xaaladda amni iyo qorshayaasha cusub ee lagu sugayo magaalada, waxaana la filayaa in howl-gallada la qorsheeyay ay durba ka billowdaan Baydhabo iyo duleedkeeda.

