Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) oo yimid magaalada Muqdisho ayaa ka bilaabay, dhaq-dhaqaaqyo culus oo la xiriira xaaladda adag ee ka taagan maamulkaasi.
Sheekh Aadan Madoobe ayaa maanta kulan la yeeshay Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Cabdulqaadir Maxamed (Jaamac) oo kasoo jeeda Koonfur Galbeed, waxayna ka wada-hadleen xaaladda kasii dareysa, kadib markii degmooyin horleh ay qabsadeen ciidanka Lafta-gareen.
Ujeedka kulanka ayaa ahaa mid is-xogwareysi ah, iyadoo lagu soo qaaday xaaladda amni ee Koonfur Galbeed, maadaama ay kasii dareyso, dagaalkana uu ku fiday deegaanno cusub.
Guddoomiye Jaamac oo qoraal soo saaray kulanka kadib ayaa sheegay in sidoo kale laga wada-hadlay arrimaha  dib-u-heshiisiinta deegaannada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, si looga shaqeeyo midnimada iyo wadajirka bulshada deegaanka.
“Maanta waxaan xafiiskayga kulan is-xogwareysi ah kula qaatay Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Adaan Madoobe) Waxaan ka wada hadalnay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan arrimaha amniga, siyaasadda iyo dib-u-heshiisiinta deegaannada Koonfur Galbeed,” ayuu yiri guddoomiyuhu.
Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa haatan qorseyneysa inay qaado guluf culus oo ka dhan ah ciidanka taabacsan Cabdicasiis Lafta-gareen ee qabsaday degmooyinka Qansaxdeere, Bardaale, Buurhakaba iyo Diinsoor oo ka wada tirsn gobolka Baay.
Wasiirka Warfaafinta Koonfur Galbeed, Nuur Siidow Baaba oo la hadlay Somali Cable Tv ayaa goor sii horeysay sheegay in shacabka ay maqli doonaan war ay ku farxaan, isla markaana ay degmooyinkaas la qabsaday ay kusoo celin doonaan gacantooda, sida uu hadalka u dhigay.
“Maalmaha soo socda shacabka reer Koonfur Galbeed waxay dhagahooda maqli doonaan wax ay aad ugu farxaan, waxaana lasoo celin doonaan neecaawdii dowladnimada. Degmooyinka ay hadda ku sugan Khawaarijta waxaa dib loogu soo celin doonaan gacanta dowladda,” ayuu yiri wasiirku.
Hadalkan ayaa kusoo aaday xilli ay haatan sii xoogeysanayaan khilaafka siyaasadeed iyo iska horimaadyada u dhexeeya ciidamada taabacsan Cabdicasiis Lafta-gareen iyo kuwa taageersan maamulka hadda ka jira Baydhaba, oo garab ka helaya Dowladda Federaalka.

