26.9 C
Mogadishu
Sunday, November 2, 2025

Aamina Maxamed oo u tartameysa xilka hogaaminta dalalka Africa

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Nairobi (Caasimada Online) – Dowlada Kenya ayaa shaacisay in wasiirka arimaha dibada dalkaasi bisha Janaayo ee sanadka 2017 ay u tartami doonto xilka gudoomiyaha midowga Africa.

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dowlada Kenya ay xaqiijisay in wasiirka arimaha dibada Aamina Maxamed ay u tartantaa xilkaasi.

Madaxweyne Kenyatta ayaa sheegay in kalsooni buuxdo uu ku qabo in Aamina Maxamed hogaamisaa Qaarada Africa, isaga oo sheegay in shaqo badan ay qabatay.

Uhurru Kenyatta ayaa sheegay in booska ay baneysay Nkosazana Dlamini-Zuma ay buuxin karto wasiirka arimaha dibada Kenya Aamina Maxamed oo asalkeeda Soomaali yahay.

Aamina Maxamed ayaa waxay loolan adag la geli doontaa haween badan oo xilkaasi doonaya.

Caasimada Online
Xafiiska Kenya
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News