Aaska marxuum Burci Maxamed Xamza oo dib loo dhigay, Sabab?

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in dib loo dhigay maalmo kooban aaska Marxuum Burci Maxamed Xamza oo ahaa wasiiru dowlaha xafiiska R/wasaaraha ee arimaha deegaanka.

Alle ha u naxariistee Burci Xamza ayaa ku dhintay weerarkii Sabtidii lagu qaaday hotelka Naasa Hablood One ee magaalada Muqdisho, kaasi oo Alshabaab masuuliyadiisa ay sheegteen.

Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, wasiirka warfaafinta xukuumada Soomaaliya ayaa wakaalada Wararka qaranka Soomaaliya u sheegay in aaska wasiirka dib loo dhigay ilaa maalinta Beri oo Tallaado ah.

Sababta ka dambeysa dib u dhigida aaska Burci ayuu ku sheegay iney tahay in la doonayo iney dalka yimaadaan qaar kamid ah ehelada Burci kuwaasi oo dalka dibadiisa ku maqan, sida uu SONNA u sheegay wasiir maareeye.

Wasiirka, ayaa sheegay Maalinta Talaadada Salaad Janaaso ah lagu tukan doono Marxuumka, kadibna Aas Qaran loogu Sameyn doono Magaalada Muqdisho.

Allah u naxariistee Marxuum Burci Maxamed Xamze ayaa ku geeriyooday weerar ay ururka Al-Shabaab ku qaadeen Hotelka Naaso Hablood 1 ee magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com