Abiy Ahmed ‘naftiisa un ha eedo kadib wixii uu ku sameeyey’ Xasan Sheekh

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha Nabad iyo Nolol ayaa baraha bulshada ka billaabay weerar ka dhan ah safarka madaxweyne Xasan Sheekh ee Qaahira,  ayaga oo difaacaya Itoobiya oo la ogyahay inay tahay cadowga koowaad ee Soomaali ay leedahay. 

Kooxdan ayaa si gaar ah qiil uga dhiganaya hadal uu madaxweynaha Masar Cabdifataax Sisi ka sheegay shir jaraa’id oo ay wada-qabteen madaxwene Xasan Sheekh, kaasi oo la xiriiray biyo-xireenka ay Itoobiya ka sameyneyso webiga Nile. 

“Waxaan ka wada-hadalnay xaaladda Biyo-xireenka Dib-u-curashada Itoobiya (Ethiopian Renaissance Dam), waxaana isku raacnay aragtida ah halista siyaasadaha halka dhinac ah ee ku wajahan mashaariicda wabiyada caalamiga ah, iyo sidoo kale inay lama huraan tahay inaan ka dhegnaano mabda’a iskaashiga iyo wada-tashiyada u dhaxeeya dalalka webiga uu maro si loo xaqiijiyo inaan waxyeelo loo gaysan midkoodna,” ayuu yiri madaxweyne Sisi. 

Madaxweyne Xasan Sheekh meelna kuma sheegin inuu hadalkaas ku raacsan uyahay Sisi, mana jirin war-murtiyeed wadajir ah oo arrintaas lagu caddeeyey.

Si kastaba, fallanqeeyayaasha siyaasadeed ayaa rumeysan in Itoobiya iyo Abiy Ahmed-ba ay mas’uul ka yihiin siyaasad kasta oo ku wajahan biyo-xireenka oo madaxweyne Xasan Sheekh uu qaatay, haddiiba ay jirto, maadaama ay albaabka ka xirteen.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa qorshihiisu ahaa inuu booqdo Itoobiya lana kulmo Abiy Ahmed kahor safarka Masar, hase yeeshee Abiy ayaa saacad dambe baajiyey safarka. Sidoo kale illa hadda wax taraiikh cusub ah uma qaban safarka madaxeynaha.  

Dadka arrintaas qaba waxaa ka mid Rashid Cabdi oo ka tirsan hay’adda daraasaadka ee Sahan Research, islamarkaana fallanqeeya siyaasadda gobolka. 

“Aan xusuusiyo kuwa dhalleeceynaya safarka Xasan Sheekh ee Masar xaqiiqda ah: Xasan Sheekh wuxuu qorsheeyey inuu u safro Addis Ababa kadib Jabuuti si uu ula kulmo ra’iisul wasaare Abiy Ahmed. Daqiiqaddii ugu dambeysay, Xasan Sheekh waxaa loo sheegay inaan Abi la heli karin. Wax taariikh ah looma qaban. Waxa kaliya ee Xasan Sheekh doonayey ayaa aheyd inuu dheeli-tiro xiriirka arrimaha dibedda oo dib u heshiisiin sameeyo,” ayuu yiri Rashid Cabdi.

“Abiy isaga ayaa ka dhuuntay Xasan Sheekh. Ha eedeyn Xasan Sheekh. Wuxuu dhab ahaantii isku dayey inuu aado Addis Ababa.”

Sidoo kale, agaasimihii hore ee Machadka Heritage Cabdirashidi Xaashi ayaa sheegay inaysan wax dhibaato ah ku jirin haddii Xasan Sheekh uu Qaahira booqdo kahor Addis Ababa. 

“Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu halku dhigga siyaasaddiisa gudaha iyo dibedda ka dhigay ‘Soomaali heshiis ah, dunida na heshiis la ah’. Sida booqashadiisa Imaaraadka ee kahor Turkey aysan dhibaato u aheyn ama tiisa Asmara kahor Jabuuti aysan u aheyn, booqashadiisa Qaahira kahor Addis-Ababa dhibaato ma noqon doono,” ayuu yiri Rashiid Cabdi.

Xaqiiqda ah in madaxweyne Xasan Sheekh deg deg u booqday dhammaan dalalka deriska la ah Soomaaliya ama ugu saameynta badan, ayaa ku tuseysa sida ay uga go’an tahay inuu cid kasta heshiis la ahaado, balse in Abiy noqday kan kaliya ee diiday booqashada Xasan Sheekh, waxa ay caddeyn u tahay inuusan nabad rabin.