Abiy Axmed oo Geelle kala hadlay arrin xasaasi oo la xiriirta hogaanka Amisom

Adis Ababa (Caasimadda Online) – Kadib markii ay uu soo gabagaboobay shirkii 32aad ee ururka Midowga Afrika Abiy ayaa la fariistay Ismaaciil Cumar Geelle, madaxwaynaha Jabuuti, kaasi oo dowladiisu la tilmaamayo in ay ka xumaatay la wareegista Itoobiya ee taliska AMISOM, wallow aanan wali soo ban-bixin.

Abiy Ahmed ayaa dadaal dheer u galay inuu Geelle ku qanciyo hoggaanka AMISOM oo ay la wareegtay Itoobiya inkasto oo aan weli si rasmi ah loo helin natiijada kulankaas kasoo baxay.

Wararka qaar ayaa sheegayo inuu Abiy Ahmed ku qanciyey Geelle inuu taageero hoggaanka cusub ee AMISOM.

Tani ayaa imaanaya iyada oo Jabuuti aanu qayb ka ahayn Iskaashi saddex geesood ah, kaasi oo ay kala saxiixdeen Somalia, Ethiopia iyo Eritrea oo ku saabsan amniga, dhaqaalaha, ganacsiga iyo maal-gashiga.

Dadka naqdiya siyaasada maamulka Farmaajo ayaa ku dhaliilaya inuu garab maray Jabuuti oo garab taagneed Somalia tan iyo burburka uu wadanka kasoo kabsanayo, inkasta labada dowladood ay sheegeen inuu xiriirkoodu hagaagsan yahay.

Dhanka kale Madaxwaynaha Somalia iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa saacadihii lasoo dhaafay kulan gaar ah waxay ku yeesheen magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka aan badda lahayn.

Wakaalada wararka u faafisa Ethiopia ee FANA ayaa ku warameysa in hogaamiyaasha ay kawada hadleen qodobo ay ku jiraan cilaaqaadka labada dowladood, sidii loo xoojin lahaa iyo horumarka qaarada.

Farmaajo oo ka hadlay shirka AU-da kaasi oo uu ka qaybgalay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqay hogaamiyaasha Afrika in lala yimaado siyaasad wax loogu qabanayo Barakacyaasha.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Farmaajo iyo Abiy ay isla soo qaadeen arrimo la xiriira ciidamada midowga Afrika ee AMISOM, kaasi oo horaantii bishaan taliye looga dhigay sarkaal Itoobiyaan.

Caasimada Online
Xafiiska Adis Ababa
caasimada@live.com