Qaar ka mida taliyeyaashii hay’adda nabad-sugidda oo xilalka laga qaaday (Aqri)

Muqdisho (Caasimadda Online) – Agaasimaha Hay’adda Nabadsugidda & Sirdonka ee NISA ayaa shaqadii ka joojiyey laba ka mida ku xigeenadii Hay’adaasi oo ahaa kuwii ugu awoodda badnaa NISA.

Qoraal uu soo saaray maanta Agaasimaha Hay’adda NISA Xuseen Cismaan Xuseen ayaa lagu sheegay in shaqadii looga joojiyey labadii ku xigeen ee NISA, kuwasoo kala ah: Cabdalla Cabdalla Maxamed iyo C/qaadir Maxamed Nuur.

Shaqo ka joojinta labada sarkaal ee ka mida kuwii ugu sareeyay NISA oo hore hay’adda dhowr bilood u maamulayey si KMG ah ayaa imaaneysa iyadoo khilaaf ba’an uu hareeyay maamulka sare ee NISA, isla markaana ay wada shaqeyn waayeen agaasimaha.

Sidoo kale Jen. Cabdalla Cabdalla ayaa muddo ahaa kuxigeenka Agaasimaha NISA illaa xilligii dowladdii Xasan Sheekh, waxaana uu u soo joogay is bedeladii ku dhacayay Taliyeyaashii isaga kala dambeeyay ee Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka.

Ugu dambeyn qoraalka ka soo baxay Agaasimaha Hey’adda NISA Xuseen Cismaan Xuseen ayaa waxaa lagu faray dhamaan qeybaha iyo hoggaanada hey’adda NISA inay u hoggaansamaan amarkan shaqo joojinta.