Agaasimaha Villa Somalia oo isu rogay muqalas

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha Madaxtooyada Soomaaliya Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad) ayaa ku jira ganacsi lacag badan uu ka sameeyo oo ku saabsan iibka viisaha Turkiga oo qiimihiisu uu yahay 10,000 USD.

Cali Balcad waxaa uu toddobaadkiiba u gudbiyaa safaaradda Turkiga ilaa lix codsi oo degdeg ah oo Visaha Turkiga ah, waxaana toddobaadkiiba u soo xerooda 60,000 oo dollar.  

Warqadaha codsiga Fiiseyaasha la iibiyo ayaa waxaa si been ah loogu qoraa inay ka tirsan yihiin dowladda, amaba ay yihiin dad ku dhaawacmey qaraxyada Muqdisho, taas oo muujineysa in ganacsigan uu yahay mid looga faa’ideysanayo dhiigga shacabka masaakiinta ee waxyeelada ay ka soo gaarto qaraxyada ka dhaca Muqdisho.

balcadXafiiska Agaasimaha Madaxtooyada ayaa inta badan waxaa dhooban dad ganacsigaasi u socda ama wakiilo ay soo dirsadeen si loogu daro liiska toddobaad kasta la gudbiyo.

Qaar ka mid warqadahaasi la qorey ee been abuurka ah ayaa waxay u gacan galeen kooxda Monitoring Group oo la filayo inay baaritaan ku sameeyaan, isla markaana ay xog ka raadiyaan safaaradda Turkiga, maadaama xeerka lagu dhisey Monitoring Group uu dal walba waajib uga dhigayo inuu guddigaasi la shaqeeyo.

Dadka Fiisooyinkasi heley ayaa intooda badan iska dhiibay qaaradda Yurub, waxaana ku jiray xubno Shabaab ah.

Arintan ayaa ceeb ku ah Jamhuriyadda Soomaaliya, maadaama xafiiskii dalka ugu sareeyay fadeexadaasi ay ka soo maaxatey.

Agaasimaha Madaxtooyada, waxaa kale oo uu ku lug leeyahay inuu shaqaalaha la taliyeyaasha loo qaato u qoro wasaaradaha kala duwan, taas oo iyana qofkiiba laga qaado 10,000 dollar intaanu shaqadaasi la siin, maadaama mushaharka la taliyeyaasha uu ka bilowdo shan ilaa toddoba kun oo dollar, sidaa darteedna qofka shaqadaasi la qorayo shuruud looga dhigo inuu marka hore khidmadaasi iska bixiyo.

Xafiiska Cali Cumar ayaa sidoo kale ku hawlan hawlo kale oo mashaariic aan la arkin lacago looga qaato hay’adaha caalamiga.

Ganacsigan fadeexadda ku ah xafiisyada dowladda ayaa waxaa uu ragaadiyey hawlihii ka socdey Madaxtooyada maadaama agaasimaha uu ku hawlan yahay lacag uruursi iyo xawilaad aan dhamaaneyn.

Xuseen Cabdulqaadir Cumar
Muqdisho, Soomaaliya