Ahlu-Sunna oo go’aan culus kasoo saartay culimada Itixaadka ee ay wadato DF

Dhuusomareeb (Caaismada Online) – Intiinii Akhrisatay xogtii ay idiin soo gudbisay Caasimada Online, ee ku saabsaneed in dowladda federaalka ay qorshe ka dhan ah Ahlu-Sunna ka damacsantahay, shirka dib u heshiisiinta Galmudug ee gogo shiisu taalo magaalada Dhuusamareeb.

Qorshaha DF ee shirka Dhuusamnareeb ayaa ah, inay shirkaas daah furaan culumada kala ah Sheikh Bashiir Axmed Salaad iyo Sheikh Nuur Baaruud Gurxan, waxaa rabitaanka dowladda dhexe ku gacan seyray aadna uga soo hor jeestay culuma u diinka Ahlu-Sunna Waljamaaca.

21-kii ilaa 23-kii bishan shir culuma u diinka Ahlu-Sunna Waljamaaca uga socday magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug, shir guddoona uu ka ahaay guddoomiyaha guud ee Ahlu-Sunna Macalin Maxamuud Sheikh Xasan, ayaa waxaa laga soo saaray war-murtiyeed si kulul loogu eedeeyay DF iyo dad caan ah oo ay ku tilmaameen aas-aasayaashii Al-Shabaab.

Ahlu-Sunna ayaa sheegtay in deegaanada Galmudug aysan ogolaa doonin in la keeno dad ay ku sheegeen aas-aasayaashii Ururka Al-Shabaab oo ay ugu horeeyaan Sheikh Bashiir Axmed Salaad iyo Dallada uu guddoomiyaha ka yahay ee la magac baxday hey’adda culumada Soomaaliyeed.

Warqadda kasoo baxday Ahlu-Sunna ayaa lagu sheegay in dowladda dhexe ee Soomaaliya ay guud ahaan ka baxday heshiisyaddii ay la gaartay maamulkii Ahlu-Sunna, islamarkaana aysan ogolaa doonin in ciidamo ka socda AMISOM iyo DF la geeyo deeganada Galmudug.

Ciidamada la isku dhafay ee ka howlaga magaalooyin ay ka mid tahay Dhuusamareeb, wixii dhiba oo ka yimaada ayey sheegtay Ahlu-Sunna in mas’uuliyadeeda ay dusha u ridaneyso dowladda dhexe.

Ahlu-Sunna ayaa dowladda federaalka ku eedeysay inay baal martay dhaqan galinta heshiiskii ay la gashay maamulka Galmudug iyo culuma u diinka Ahlu-Sunna Waljamaaca.

Saraakiishii qibradda u lahaa ladagaalanka Al-Shabaab ayey sheegtay Ahlu-Sunna in meesha laga saaray, taas bedelkeedna hoggaan looga dhigay ciidamada dalka loo dhiibay shaqsiyaad xiriir la leh kooxaha xag jirka ah.

Sidoo kale dadka sameynaya soo xulidda doorashooyinka ayey sheegeen inay u badan yihiin dad u hoggaansamay amarada Al-Shabaab, markii loo yeerana u taga si ay ugu fuliyaan danahooda.

Dowladda Federaalka ayey ku eedeysay Ahlu-Sunna inay horay u cuuryaamisay dhaqan galka heshiiskii Jabuuti ay ku kala saxiixdeen DGGD ee Ahlu-Sunna iyo DGGM.

War-saxaafadeedka Ahlu-Sunna ayaa walaac looga muujiyay in Odayaashii iyo Ergadii kasoo qeyb qaatay dhismaha maamulada dalka, heer federaal iyo heer dowladd goboleed ay u hoggaansameen amarada Al-Shabaab, oo doonaya in doorashooyinka dambe loo soo xulo xubno iyaga taabacsan.

Hoos ka akhriso qoraalka Ahlu-Sunna:-