AHLU-SUNNA oo xalay ka baxday magaalo muhiim ah iyo Galmudug oo la wareegtay

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in xalay saq-dhexe ciidamada Ahlu Sunna Waljamaaca ay isaga baxeen gudaha deegaanka Ceeldheere oo qiyaastii 30 KM u jira magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolkaasi.

Ilo wareedyo lagu kalsoon-yahay ayaa u sheegay Caasimada Online in ciidamada Galmudug oo kaashanaya kuwa dowladda ay si nabadoon dib ula wareegeen deegaankaasi.

Ciidamada huwanta ayaa sidoo kale lagu soo warramayaa inay fariisimo ka sameyteen duleedka deegaanka Ceeldheere, iyagoo halkaasi ka bilaabay dhaq-dhaqaaqyo cusub.

Ma cadda sababta ay dib ugu gurteen ciidamada Ahlu Sunna oo maalmo ka hor la wareegay gacan ku heynta deegaankan oo u dhow caasimada Dhuusamareeb.

Dhaq-dhaqaaqyadan cusub ayaa kusoo aadaya, iyada oo xaalad kacsanaan ah laga dareemayo magaalada Guriceel oo ay horay ula wareegtay Ahlu Sunna Waljamaaca.

Galmudug ayaa wadda abaabul xoogan, iyada oo qorsheyneyso in dagaal culus ay ku qaado ciidamada Ahlu Sunna, si looga saaro deegaanada maamulkaasi.

Xiisadda haatan soo korortay ayaa weji kale u yeeshay xaaladda Galmudug oo horay dagaal ugula jirtay Al-Shabaab oo deegaano & degmooyin ka heysata maamulkaasi.

Si kastaba, shalay ayey aheyd markii Ahlu Sunna ay ciidamadeeda kasoo saartay degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan, taas oo ka mid aheyd meelaha ay dhowaan la wareegtay.