Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya deegaanada maamulka Ahlusuna Wal-jameeca ayaa sheegaya in halkaa ay ka tagan tahay xiisad u dhexeysa ciidamo kawada tirsan maamulka.
Xiisada xoogeed ayaa ka taagan deegaanka mareer guur oo ka tirsan Gobalka Galgaduud una dhaxeysa Magaalooyinka Cadaado iyo Dhuusamareeb.
Deegaankaani ayaa waxaa hadda isku horfadhiya ciidamo kawada tirsan Ahlusuna waxaana hakat ku jira dhaqdhaqaaqa deeganka.
Xiisada ay ka dhalatay kala shaki soo kala dhex galay Ciimada Ahlusunna oo seddex ka mid ah ay u goosten dhinaca Galmudug.
Saraakiisha maamulka ayaa sidoo kale Xabsi dhigay ciidamo ka tirsan Maamulkooda oo la aaminsan yahay in ay wax ka ogaayeen goosashada ciidankaasi.
Deegaanka mareer guur oo ka tirsan Gobalka Galgaduud, ayaa waxaa hadda ka socda Hub uruursi, waxaana aad looga cabsi qabaa in halkaasi uu ka dhaco dagaal.
Ma jirto cid ilaa iyo hadda ka hadashay xiisada ka jirta deegaanka mareer guur oo ka tirsan Gobalka Galgaduud.

