Ahlu-Suna oo xabsiga dhigtay Ganacsato caan ah + Sababta

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud, ayaa sheegaya in halkaasi ay ciidamada maamulka ku xireen Ganacsato caan ka ah deegaanada maamulka.

Ganacsatada la xiray ayaa waxaa tirro ahaan lagu sheegay ilaa 6 Ganacsato kuwaasi oo lagala baxay aqaladooda, sida ay kusoo waramayaan dadka deegaanka.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Ganacsatadaasi la xiray ay khilaafeen awaamirta maamulka Ahlusunna, islamarkaana ay beeniyeen jiritaanka maamulka.

Warar kaasi ka duwan ayaa sheegaya in lagu helay wada shaqeyn qarsoodi ah oo kala dhexeysa maleeshiyaadka Al-shabaab sidaana ay ciidamada maamulka xabsiga u dhigeen.

Saraakiisha maamulka ayaa baareysa Ganacsatadaani waxaana la soo warinayaa in lagu xiray xabsiga weyn ee maamulka.

Ma jirto wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka kaasi oo ku aadan sababta ka danbeysay xariga Ganacsatada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com