8 qodob oo soo dadejiyey khilaafka Al-Shabaab!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa isa soo taraaya Khilaafka iyo burburka ka dhex taagan maleeshiyaadka Al-shabaab ee ku kala qeybsamay Mabda jihaadiga ah.

Khilaafka ayaa sababay in maleeshiyada ay u kala jabto 2 garab oo kala taabacsan Al-qacida iyo Daacish oo kala wata hadaf kala duwan.

Daraaseyn aan ku sameynay arrinta Khilaafka ayaa waxaa soo baxday arrimo badan oo salka ku haya khilaafka taagan waxaana kamid ah dol-doleelada keenay Khilaafka:-

1- Hogaanka oo noqday mid saf dheer loogu jiro xili uu sarakacay Khilaafka maleeshiyada.

2- Kalsoonida Hogaamiyayaasha maleeshiyada iyo Saraakiisha amra dagaalyahanada oo meesha ka baxday.

3- Horjoogayaasha oo isku khilaafsan habka loola tacaamulaayo shacabka xiliyada gafka ay kusoo qabtaan.

4- Hogaanka sare oo ku kala qeybsamay 3 arrin oo kala ah Joojinta dilalka aan hadafka laheyn, awood qeybsiga xubinimada iyo dhaqaalaha maleeshiyada soo gala oo bilihii danbe ahaa kuwo ku dhaca jeebka Horjoogaha iyo ku-xigeenkiisa.

5- Is adeecidii Horjoogayaasha oo meesha ka baxday iyo gowrac loogu hanjabay saraakiil kooxda caan ka dhex ah.

6- Horjoogayaasha oo bilaabay inay dabin isku dhigaan, taasi oo sara qaaday Khilaafka dhexdooda ka taagan.

7-Culeysyo ka soo food-saartay dhanka DF iyo AMISOM.

8- Daacish oo kala furfurida maleeshiyada u adeegsatay dhaqaale xoogan iyo mushaar tayo leh.

Khilaafka maleeshiyada oo iminka gaarsiisan heerkii ugu sareeyay ayaa waxaa soo dadajiyay dhaqaale la’aan kasoo food-saartay ilihii ay dhaqaalaha ka heli jiree.

Caalmaka ayaa iminka u tafa xeydanaaya ka faa’iideysiga burburka ka dhex curtay maleeshiyada Al-shabaab ee u kala jabtay labada garab, waxaana suuragal ah in garab Sedexaad uu kasoo dhex baxo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com