Akhriso: Arrin yaab leh oo Aqalka Cad looga mamnuucay warbaahino dhowr ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa shir saxaafadeedka ka mamnuucay qaar kamid ah Warbaahinta caalamka kuwooda ugu waaweyn ee xarumaha ku leh Mareykanka.

Amarka lagu mamnuucay ka qeybgalka Warbaahintaasi ee Shir Saxaafadeedka ayaa la sheegay inuu kasoo baxay Xafiiska Madxaweynaha Trump.

Warbaahinta laga mamnuucay Shir Saxaafadeedka ayaa waxaa kamid ahaa Buzzfeed, CNN, New York Times, Los Angeles Times, , Politico iyo kuwo kale.

Warbaahinta laga mamnuucay shirkaasi ka dhacaayay Aqalka Cad ayaa waxaa ku jiray Warbaahin caalami ah oo ay kamid tahay BBC.

Shirka laga reebay Warbaahintaani ayaa waxaa lagu magacaabaa Press gaggle oo ah wargelin dadban ama aan rasmi ahayn.

Warbaahinta shirkaasi lagu marti galiyay ayaa waxaa kamid ahaa CBS, ABC, NBC, iyo Fox News.

Waxaa sidoo kale laga mamnuucay Warbaahinta Breitbart, Washington Times iyo One America News Network.

Waxaa shirkaasi ka carooday isla markaana kasoo baxay dhowr Warbaahin oo ay kamid yihiin Wakaaladda Wararka ee AP iyo Time Magazine.

Madaxweynaha Mareykanka Trump ayaa sheegay in Warbaahinta laga mamnuucay Aqalka Cad ay yihiin kuwo halis galinkara Sirta Mareykanka.

Docda kale, Trump ayaa sheegay inay ka feejigan yihiin casuumaadaha Warbaahinta, gaar ahaan kuwa caadada ka dhigtay faragalinta Siyaasada Mareykanka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com