Liiska xubnaha ku geeriyooday kuwa dhaawaca ah iyo kuwa lasoo badbaadiyay + Sawirro cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa si rasmi ah loosoo afjaray weerarkii ay Maleeshiyada Al-shabaab aroornimadii saakay ku qabsatay Hoteel Saxafi ee Magaalada Muqdisho.

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee loo yaqaan Gaashaan ayaa soo afjaray weerarkii Ururka Al Shabaab ay ku soo qaadeen saaka aroortii Hoteelka Saxafi ee Magaalada Muqdisho.

Ciidamada ayaa u suuragashay inay Hoteelka ka dhameeyaan raggii soo weeraray, waxaana ciidamada ay bad-baadiyeen dad Hoteelka gudihiisa ku xanibnaa oo Siyaasiyiin iyo Saraakiil ciidan isugu jiray.

Caasimada Online oo wada tirro koobka dadkii ku dhintay weerarka, dadkii ku dhaawacmay iyo dadkii lasoo badbaadiyay ayaa waxa ay kala yihiin:

MAS’UULIYIINTA DHIMATAY

1-Xildhibaan Abtidoon Koofi (Sida ay baahisay Idaacada KNN)

2-Abaanduulihii hore ee ciidanka xoogga dalka Generaal C/kariin Yuusuf Dhagabadan

3-Milkilihii Hotelka Saxaafi C/rashiid Shirre Ilqeyte.

4-Wariye Mustaf Shafaana oo Kaamiro Man u ah Tv-ga Al-jaziira.

5-Ciidamada Gaashaan waxaa uga dhintay weerarka 3 Askari

 

MAS’UULIYIINTA DHAAWACA AH

1-General Gacmo Duule

2-Abaandulaha Cusub Ee Ciidamada Xoogga Dalka

3-Waxa uu dhaawac firir ah soo gaaray Taliyaha laanta socdaalka iyo Jinsiyadaha Generaal Gaafow.

Ilo madax-banaan ayaa sheegaya in Mas’uuliyiinta uu dhaawaca soo gaaray ay kamid ahaayen

4-Xildhibaan Max’ed Cabdi Yuusuf

5-Wasiiru dowlaha Wasaaradaha Waxbarashada

6-Xoghayihii Joogtada Wasaaradda Arrimaha dibadda ee horay xilka looga qaaday.

7-Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Itoobiya, Cabdisalaan Xaaji Aadan.

MAS’UULIYIINTA LASOO BADBAADIYAY

1-Maxamad C/yuusuf

2-Xildhibaan Sandheere

3-Xildhibaanad Suuri

4-Xildhibaan Sacdiyo

5-Xildhibaan Qaloocoow, iyo Culumaaudiin uu ka mid yahay Sheekh Nuur Baaruud Gurxan.

Waxaa jiro Mas’uuliyiin aan dhiman balse ay Warbaahintu qortay inay ku dhinteen weerarka, waxa ayna Caasimada Online wadaa xaqiijinta run ahaanshiyaha liiska dadkaasi, wixii intaa kusoo kordhana liiskaani ayaan gadaal kaga soo biirin doonaa.

11

22

33

2
21
3
3images2
1
saxafi

5

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com