Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada Baarlamaanka Somalia ayaa maanta kulan ku yeeshay Xarunta Golaha Shacabka Baarlamaanka.
Kulanka Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa looga hadlay ajandayaal dhowr ah, waxaana kulanka laga dhex aqriyay Mooshinka.
Mooshinka ayaa waxaa soo diyaariyay ilaa 21 Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka kuwaa oo u gudbiyay Guddoonka Golaha Shacabka.
Mooshinka ayaa ku saabsanaa Saldhiga Imaaraadka Carabta ka dhisanayo Berbera.
Mooshinka ayaa lagu sheegay in heshiiskii Imaaraadka Carabta iyo Somaliland uu yahay mid dhaawacayo Qaranimada Soomaaliya, loona baahan yahay in DFS ay fiiro gaara u yeelato.
Sidoo kale, Mooshinka ayaa ka koobnaa ilaa afar qodob oo lagu sheegay in heshiiskaas uu khilaafsan yahay shuruucda caalamiga.


