AKHRISO Magacyada 5 ruux oo Al-shabaab ay ku dileen rasaas iyo gowrac

Muqdisho (Caasimada Online)-Maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa xukun dil ah ku fuliyay dhalinyaro lagu eedeeyay inay basaas u ahaayen DFS iyo reer galbeedka.

Dhalinyaradaani oo tirro ahaan ka koobnaa ilaa 5 ayaa waxaa loo geystay daldalaad waxa uuna ka dhacay fagaara kuyaal Degmada Saakow ee Jubbada Hoose.

Maxkamada maleeshiyada ee sida qarsoodiga ah uga shaqeysa Jubbada Hoose, ayaa sheegtay in raga la xukumay la soo qabtay xili ay la shaqeynayeen wax ay ku sheegeen cadowga, sida ay hadalka u dhigeen.

Mid kamid ah Shanta ruux ayaa la sheegay in la gowracay, halka Afarta kale lagu fuliyay dil toogasho ah.

Midka la gowracay ayaa ku eedeysnaa inuu hagaayay diyaarad drons ah oo duqeyn ka geysatay deegaanada Al-shabaab.
Dhalinyarada la gowracay ayaa waxaa lagu kala magacaabaa:-

1-Axmed Cali Ibraahim oo da’diisu ay ahayd 22 jir

2-Cabdinaasir Cali Maxamed oo da’diisu ay ahayd 21 jir

3-Cabdinajiib Cusmaan Cosoble oo da’diisu ay ahayd 19 jir

4-Cabdullaahi Xasan Abuubakar oo da’diisu ay ahayd 19 sano jir iyo

5-Aadan Max’ed Isaaq oo da’diisu ay ahayd 19 sano jir.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com