Guddoomiyayaal cusub oo loo magacaabay qaar ka mid ah degmooyinka G/Banaadir + Magacyada

Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa isku shaandheyn iyo xilka qaadis ku sameeyay qaar ka mid ah Guddoomiyayaashii Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Guddoomiyayaasha qaar ayaa la beddelay halka kuwo kale loo wareejiyay degmooyin kale ama degmooyinka look ala beddelay.

Tusaale Degmada Dharkenley waxaa laga qaaday C/Raxmaan Sayid Cali,waxaana loo wareejiyay Degmada Shibis, halka degmada Dharkenley loo magacaabay Abuukar Axmed oo ay isku heyb yihiin Guddoomiyihii hore ee Shibbis Safiya Xasan Cali.

Degmada Wadajir waxaa lo magacaabay C/Raxmaan Cali, halka Sabaax Cabdullahi Asad,waxaa loo magacaabay Guddoomiyaha cusub ee Degmada C/Casiis.

Degmada Kaaraan ayaa loo magacaabay Guddoomiye cusub waxaana lagu magacaabaa Abshir Kaaraan,horay waxaa uu u ahaa Guddoomiye ku xigeenka amniga ee degmadaas.

Dhinaca kale waxaa xilka laga qaaday Guddoomiyihii Degmada Howlwadaag C/Kariin Cali Kaar,  waxaana xilkaas loo magacaabay Mustaf Cali Kheyre .

Tan iyo markii uu Yariisow qabtay Xilka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir waxaa dhacay isbadalo badan oo lagu sameeyey Guddoomiyaasha degmooyinka, waxaana isbadalada qaar u dhaxeeyey waqti yar oo kooban.

Isbadalada uu Yariisow sameenayo ayaa ah cadaadis uu kala kulmayo Madaxda Dowladda Soomaaliya iyo Siyaasiyiinta sida weyn  ugu dhow Nabad iyo Nolol kuwaas oo rabo inay xilal u helaan asxaabtooda, wuxuuna Yariisow ku qasban yahay inuu fuliyo amarkooda si uu u difaacdo kursigiisa.

Waxaan dhawaan idinla wadaagi doonaa sheeko yaab leh oo la xiriirto sida ay u dhacday in xilka laga qaado Guddoomiyaha dhawaan loo magacaabay Degmada Howlwadaag ee Cabdikariin Cali Kaar kaasoo cadaadis kala kulmayo Siyaasi ay isku beel yihiin kaasoo xiriir dhow la leh Dowladda Nabad iyo Nolol.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com