Qodobo xasaasi ah oo laga soo saaray shirkii maamul Goboleedyada

0

Baydhabo (Caasimadda Online) – Goordhow ayaa waxaa Magalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Baay lagu soo gaba gabeeyey Shirkii Madaxda Dowlad goboleedayda kaas oo mudo Saddex cisho ah ka socday halkaasi.

Shirkaas ayaa waxaa inta badan laga muujinayey walaac maadaama xubno ka mid ah madaxda Dowlad goboleedyada dalka ka jira uu khilaaf kala dhaxeeyo dowladda.

Warmurtiyeedka laga soo saaray shirkaas oo dhowr qodob ka kooban ayaa waxaa ka mid ahaa in dowladda Soomaaliya ay ka gaabisay taakuleynta Ciidamada Maamul Goboleedayda si ay door ugu yeeshaan la-dagaalanka Al-Shabaab.

War-saxaafadeedka laga soo saaray shirka ayay ka dalbadeen dowladda Goboleedka in la hubeeyo ciidamada maamul Goboleedyada, qeyb laga siiyo dhaqaalaha deeqaha ee dowladdu hesho iyo in la fuliyo heshiisyadii hore.

Haddaba halkaan hoose ka akhriso war murtiyeedka oo dhameystiran

SHARE