Xog rasmi ah: Sababta ka dambeysa haweenay isku dishay Muqdisho (Aqri)

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa haweeney la sheegay inay isku dishay magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia.

Haweeneydan oo qaabab kala duwan loo fasiray is dilkeeda ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Shukri Cabdullaahi Raage oo hal cunug Ifkaga tagtay, waxa ayna dhacdadaani ka dhacday Xaafadda Juungal ee degmada Yaaqshiid.

Xaqiiqda geerida Haweeneydan ayaa la sheegay inay tahay buuq maalmahani ku furnaa kaa oo ka dhashay awoood looga qaatay gabar ay u dhashay ninkii ay kala tageen.

Qoyska marxuumada ayaa sheegay in warbaahinta qaar ay ka been sheegen qaabka ay ku timid geerida gabadhooda, waxa ayna tilmaameen in la baahiyay inay isku dishay nin ay jecleyd oo loo diiday.

Balse waxa ay xaqiiqda ku sheegen in geerida gabadhooda ay aheyd mid ku imaaday buuqa ka dhashay gabar ay dhashay oo laga qaatay, iyadoo wixii intaa ka danbeysay ay sun cabtay.

Is dilka Haweeneydan ayaa inta badan waxaa aad looga hadal hayaa magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia, wallow qaabka uu u dhacay dilka laga bixiyay fasiraad khaldan oo ku aadan inay isku dishay nin loo diiday balse ay xaqiiqdu tahay in laga qaatay canugteeda oo lagu furay.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa maalmahaani magaalada Muqdisho ka dhaca dilal qaab fool-xun oo intooda badan ay isku geystaan dad uu ka dhaxeeyo ubad ama guur.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com