Al-Shabaab iyo ciidamada DF oo ku dagaalamay GEDO

Saalax Saciid SabriyeBy Saalax Saciid Sabriye

Buurdhuubo (Caasimada Online) – Xoogagga Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida ayaa weerar ku qaaday saldhig militari oo ay ciidamad dowladda Soomaaliya ku leeyahiin dagmada Buurdhuubo ee gobolka Gedo.

Habeenimadii xalay aheyd ayuu weerarka dhacay, waxaana la ogeyn khasaaraha kala gaaray labada dhinac, hase yeeshee waxaa la fahamsan yahay in ciidamada dowladda ay baaritaanno ka sameeyeen goobahii ay dirirtu kula dhexmartay Al-Shabaab marka ay kala joogsatay rasaasta.

Ciidanka dowladda ee halkaas ku sugan oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay iney ka war heleen weerarka lagu soo yahay ka hor inta uusan dagaalka bilaaban.

Taliyaha Amniga dagmada Buurdhuubo Nuur Kadiye Ibraahim ayaa sheegay iney khasaaro gaarsiiyeen kooxahii weerarka soo qaaday, taliyaha wuxuu sidoo kale sheegay iney mar walba yahiin kuwa heegan ugu jira weerar kaga yimaada kooxo uu ku tilmaamay canaasiir.

Dhawaan ayey aheyd markii xukuumadda ay ciidamo gaarsiiyay gobolka Gedo si ay u kaabaan kuwii horay ugu sugnaa, mana jiraan wax natiijo ah oo ay kasoo calaameeyeen hawlgalkii ay kadib dagaalka xalay ka sameeyeen duleedka dagmada.